HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 

12/7/2012
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo ku dhaawacmay qarax caawa ka dhacay Islii.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxa qarax caawa Salaadii cisha kadib ka dhacay iridka hore ee laga galo Masaajidka Al-Hidaaya oo ku yaal xaafadda Soomaalida degto ee Islii, waxaana qaraxaasi dhaawac uu kasoo gaaray Xildhibaan laga soo doorto xaafadda Kamukunji ee Soomaalida degto iyo Toban kale.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan xaafadda Islii qaraxa ayaa dhacay xiligii laga soo baxay Salaadii cishaha, iyadoo dad ku sugnaa xiligii qaraxa dhacayay Masaajidka Hidaaya ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid gacanta laga tuuray.

Wargeysta The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray isagoo soo xiganayo saraakiisha Booliska in qaraxu ahaa mid wadada dhinaceeda lagu aasay, inkastoo dadka ku tukuday Masjidka ay siyaabo kala duwan ugu hadleen.

Dadka ku dhaaawacmay ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Afueni ee ku yaal magaalada Nairobi, iyadoo dadka dhaawacmay qaarkood dhaawacooda ahaa mid daran.

Lama oga ujeedada qaraxa in uu ahaa mid lagu bartimaameedsanayay Madaxda deegaanka Soomaalida ee ku tukaneysay Masaajidka iyo in kale.

Waa qaraxii Labaad ee mud 24 saac gudahood ka dhaco Xaafadda Soomaalida degto ee Islii, iyadoo qaraxani midkii ka horeeyay uu dhacay xalay, waxaana ku dhintay hal qof, Sideed kalena wey ku dhaawacmeen.

By Ali Muhidin

Use Facebook to Comment on this Post


 

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.