HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 

12/7/2012

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay ra'iisul wasaaraha dalkaas Recep Tayyip Erdogan, iyagoo kawada hadlay sidi xiriirka labada dal loo xoojin lahaa.

Xasan Sheekh iyo Erdogan ayaa waxay kulankooda uga hadleen sidii Turkiga uu qayb uga qaadan lahaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, sidoo kalena loo sii wadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Turkiga uu kawado Soomaaliya.

"Kulanka waxaa looga hadlay sidii Turkiga ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska ciidamada xoogga iyo kuwa booliiska Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka mid ah wafdiga uu madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga ku jooga booqasho afar maalmood qaadatay, isagoo magaalada Ankara kula soo kulmay madaxweyanah dalka Turkiga, Cabdalla Gul, waxayna labada mas'uul kawada hadleen sidii Turkiga uu gacan weyn uga geysan lahaa dib u dhiska Soomaaliya.

Hay'adaha Turkiga ayaa olole lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed ka billaabay sannadkii hore kaddib markii ay abaaro ku dhufteen gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya, taasoo xoojisay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa isaguna booqday xilli baqdin weyn laga qabay in la tagi karo Muqdisho, sidoo kalena Turkiga waxay ka furteen safaarad, diyaaradda Turkish Arilines iyaduna waxay duullimaadyo caalami ah ka billowday Muqdisho, taas oo indhaha caalamka ku jeedisay Soomaaliya.



Use Facebook to Comment on this Post


 

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.