12/23/2012

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay hada gacanta ku hayaan 56 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyeen weeraradii todobaadkan lagu xasuuqay dadka u dhashay qowmiyada Orma.
Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu xasuuqay deegaanka Tana Delta maalinimadii Jimcihii kadib markii maleeshiyo ka tirsan Qowmiyada Pokomo ay weerareen tuulooyin ay degen yihiin dadka Orma.
Qowmiyadaha Pokomo iyo Orma ayaa in muddo ah xiisado ka dhaxeeyeen, dadka Orma ayaa u badan xoolo dhaqato halka Pokomo ay yihiin dad deegaankaasi ku leh beero.
Weerarkii Jimcihii ayaa dadka la dilay waxaa kamid ahaa 13 caruur ah iyo 6 haween ah kadib markii maleeshiyaadka Pokomo oo ku hubeysan seefo iyo hubka daraandooriga u dhaca ay weerareen tuulooyinka Orma, waxayna xasuuq aan kala sooc laheyn u geysteen dadkii halkaasi ku dhaqanaa.
Dadka Orma ayaa u badan dad Muslimiin ah oo reer guuraah ayadoo xasuuqan la sheegay inay ka danbeeyaan siyaasiyiin deegaankaasi kasoo jeeda oo doonaya in dadka Orma ay ka baro kiciyaan dhulka Tana Delta, kahor doorashooyinka lagu wado in dalka Kenya ka dhacdo bisha Maarso ee sanadka soo socda 2013.
Dhanka kale weerar ay ayaguna qaadeen dadka Orma ayaa sida la sheegay lagu dilay 11 kamid ah dadka Pokomo. Weerarada labada dhinac u dhaxeeya ayaa tan iyo bishii Agoosto ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof.