Magaalada
Baydhabo
oo marti
gelinaysa
xilka
qaadis
cusub
shirkii
la
xisaabtanka
Xukuumada
ee
Golaha
Baarlamaanka
uga
socdey
magaalada
baydhabo
in ka
badan
hal bil
ayaa
mudo
laba
maalmood
uusan
qabsoomin,
iyadoo
aan la
shaacin
sababaha
uu u
baaqanayey,
balse
xubno ku
dhowdhow
gudoonka
Baarlamaanka
waxay
iigu
sheegeen
in arimo
fasamo
uu u
baaqanayey
waxaana
la
filayaa
inuu
11/09/007
maanta
dib u
furmo.
Shirkaan
maanta
furmaya
ee la
xisaabtanka
Xukuumada
ayaa
waxaa
lagu
wadaa in
Baarlamaanka
ay soo
hor
fariistaan
qaar ka
mid ah
Wasiirada
la
xisaabtankoodu
uu
Baarlamaanku
ka qabo
xasaasiyad
weyn,
sida kan
Batroolka
iyo kuwo
kale,
Gudoomiyaha
Maxkamada
Sare ee
DFKMG
iyo
Hanti
dhowrka
guud ee
Dowlada.
Waxaa
maalmaha
soosocda
la
sugayaa
inay ku
soo
biiraan
fadhiga
Golaha
Baarlamaanka
Madaxweynaha,
Ra’iisul
Wasaaraha
iyo
xubno
kale oo
isugu
jira
Wasiiro
iyo
Xildhibaano
joogey
gudaha
dalka
iyo
dibada.
Sida ka
muuqata
Magaalada
Baydhabo
marka la
fiiriyo
dhaqdhaqaaqa
Xukuumada
iyo
Baarlamaanka
ayaa
waxaa
laga
cabsi
qabaa in
Magaalada
Baydhabo
ay marti
gendoonto
xilka
qaadis
cusub oo
in mudo
ah la
hadal
hayey,
dadka
arimaha
siyaasada
ku xeel
dheer
waxay ku
sheegayaan
arintan
waligeed
Soomaaliya
kama
dhicin.
Dhinaca
kale
waxaa
sii
socda
shirkii
Xildhibaanada
Beelaha
Digil
iyo
Mirifle
oo
maanta
lagu
qabtey
Xarunta
Siminaarada
Caalin
Center
ee
magaalada
Baydhabo,
iyadoo
Amaankana
goobta
siweyn
loo
ilaalinayey,
shirka
waxaa ka
soo
qaybgaley
Gudoomiyaha
Baarlamaanka
Sh.Aadan
Maxamed
Nuur {Sh.
Aadan
Madobe},
wax
go’aano
oo ka
soo
baxay
ma
jiraan
balse
waxaa la
sheegayaa
in ay
sameyteen
Gudi iyo
Af-hayeen,
lama oga
inta
uu
socndoono
iyo waxa
ka soo
bixidoona,
laakiin
waxaa uu
isbedel
ku
dhaliyey
jawiga
magaalada
Baydhabo
ee
dhinaca
Siyaasada.
Maxamed
Macallin
Cismaan{All-man}
djiboutination
Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com