HOME
QURAN
CONTACT US
HEESO
ARCHIVES
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
Ciidamada Ethiopia oo qof rayid ah ku dilay isgoyska Towfiiq kadib markii bam gacmeed lagu weearray.
Posted to the Web Sep 29, 23:54
Muqdisho:-
Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramaya in
ugu yaraan qof rayid ah uu ku geeriyooday tiro kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii tacshiirad ay fureen ciidamada Ethiopia oo la sheegay in bam gacmeed lagu weeraray xilli ay hawl gal ka sameynayeen isgoyska Towfiiq.
Dhacdadan ayaa ku soo aaday xilli xaalada magaalada Muqdisho caawa ay ka degan tahay siddii xalay inkastoo daqiiqad kasto la filan karo dagaal ku dhex mara magaalada Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKM iyo kooxaha kacdoonka.
Lama garanayo khasaaraha gaaray ciidamada Ethiopia ee bam gacmeedka lagu weeraray laakin Ciidamada Ethiopia ayaa weerarkaasi kadib rasaas furay ayagoo ka kaxaystay dad rayid ah goobtii qaraxa uu ka dhacay.
Falis Maxamed Cali oo ka mid ah ehalada qofka geeriyooday ayaa sheegtay in ciidamada Ethiopia ay usoo galeen gurigooda kadibna ay toogasho ku dileen wiil dhalinyaro ah oo la oran jiray Maxamed C/wali kaasi oo usoo cararay gurigiisaa kadib markii qarax bam lagu weeraray ciidamada Ethiopia.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha DFKM oo ku saabsan dhacdadan ka dhacday isgoyska Towfiiq ee magaalada Muqdisho iyo dilka bareerka ah ee loo gaysty wiilkan rayidka ah.
©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.