HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 

Laascaanood:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in magaalada ay kacsan tahay ka dib markii ay maleeshiya daacad u ah S/land oo u dhashay Beesha dhulbahante ay ka soo galeen magaalada laascaano dhinaceeda Koonfureed iyaga oo fariisin ka sameystay toga lagu magacaabo Waqadaro oo magaalada Laascaanood u jira wax ka yar 12km.

Maleeshiyadaan daacada u ah S/land ayaa waxaa hor kacaya  Col. Ibraahim Caydiid Dhabdhable iyo  Dhakool iyaga oo ay la socdaan ciidan daacad u ah Somaliland oo ku caawinaya Baabuurta Tiknikada ah.

Magaalada Laascaanood ayaa ah mid jahwareer badan uu ka jiro iyada oo ay magaaladu dadka kala qeybsan yahay xitaa garaadyadooda iyada oo labada maamul ee ku hardamaya ay isticmaalayaan dadka u dhashay deegaanka.

Ma aha markii u horeysay oo ay magaalada soo galaan ciidan daacad u ah Somaliland oo u dhashay Laascaano iyadoo Garaadyada laascaanood jooga
ay ku guulaysteen in ay fashiliyaan qorshe ay wateen  Dalbac iyo dhakool oo labadaba waday qorshe dagaal looga rido magaalada Laascaano gudaheeda.

Magaalada Laascaanood ayaa 17sano ee la soo dhaafay waxaa ka jiray nabad galyo waloow ay jiree is jiid jiid u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland balse waxaa baryahaan ka jiray in ciidamo badan la soo dhoobay labada dhinac waxaana laga baqayaa in dagaal ka qarxo kaas oo uu dhiig badan ku daado kaas oo ay wadaan saraakiil u dhalatay dhulbahante oo saluugsan maamulka Puntland.
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.