HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 

Xaalada saaka ee laascaanood iyo wararkii udanbeeyey maanta

Warkii 02-Oct-2007 
 Waxaa gabi ahaanba hawada ka maqan isgaadhsiinta magaalada laascaanood taas oo adkaysan in warar sugan laga helo xaalada magaalada balse waxaan goor dhowyd khadka telefonka kula xidhiidhnay saldhiga booliiska ciidamada puntland ee magaalada buuhoodlle ee gobolka cayn halkaas oo aanu ka helnayn wararkii saaka ugu danbeeyey magaalada laascaanood..

Mid ka mid saraakiisha ku sugnayd saldhiga ayaa afnugaal u sheegay in ay ciidamada booliiska buuhoodlle ay saaka kula xidhiidheen khadka fooneeyaha loo yaqaano magaalada laascaanood taas oo loo sheegay in magaaladu saaka ay degan tahay waxaa sidoo kale uu noo sheegay sarkaal kaas aan kala hadalnay buuhoodlle in saraakiishii gobolka ee taageersanayd maamulka Somaliland ay isimadu ka saareen magaalada xalay goordanbe ..

Waxaa saaka waabarigii ka da'ay magaalada roobab ma hiigaan ah kaas oo hakiyey dagaal la filayey in uu saaka dhexmaro labada dhinac , waxaa jira ciidamo aad utiro badan oo laga keenay dhinaca iyo gobolada kale ee puntland kuwaas oo hada ku biiray ciidamo ka hadhay kuwii daraawiishta oo ubadan kuwa deegaanka kuwaas oo hada ku sugan inta udhaxaysa buundada maraaga leh oo dhowr km dhanka bariga ka xigta laascaanood iyo ceelka gooja cadde..

Waxaa iyana xalay jirtay shirarar aad ubadan oo ay yeelanayaan isimada iyo gudida nabad gelyada gobolka kaas oo aakhirkii lagu go'aamiyey in saraakiisha gobolka ee taageersan Somaliland ay magaalada dibada uga baxaan si wada hadalka fursad loo siiyo taas oo naloo sheegay inay aqbileen ..

Sidoo kale waxaa uu sarkaalka ka tirsan saldhiga booliiska buuhoodlle afnugaal u xaqiijiyey in magaalada ayaa ilaa hada cid gacanta ku haysa aanay jirin iyadoo labada maamul ee isku haya gacan ku haynta gobolka ay magaalada labada koona kakala fadhiyaan xili ay dadkii iyo maatadii dhexdooda ku jiraan ..

Dhinaca kale waxaa jiray xidhiidh dhanka telefonka ah oo xalay dhexmaray madaxda puntland iyo dowlada federaalka ee Somalia kaas oo aan si dhaba loo ogayn waxa uu ku saabsan wallow wararka qaar sheegayaan in madaxwaynaha Somalia uu ku canaantay dowlad goboleedka puntland kala soo bixitaanka ciidamada ee laascaanood ,waxaana wararku sheegayaan in soo noqoshada ciidamada cusub ee hada soo gaadhay duleedka laascaanood ay ka danabysay hadalkii madaxwaynaha Somalia oo isagu marnaba aan gorgortan galin gobolka Sool iyo midnimada Puntland toona ..

Isimada gobolka iyo gudida nabad gelyada ayaa naloo sheegay inay ka codsadeen shirkadaha isgaadhsiinta in si kumeel gaadh ah ay udemiyaan shirkadaha taas oo si rasmi ah udhaqan gashay

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.