HOME
QURAN
CONTACT US
HEESO
ARCHIVES
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
dhaxgalo Madaxweyne C/llaahi yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo khilaaf ba'ani u dhexeeyo
kulan ballaaran oo ay Maanta ku yeesheen magaalada baydhabo ee xarunta gobalka Baay Mudanayasha Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya ayay ku go'aamiyeen in ay si deg deg ah u dhax geli doonaan Khilaafka u dhexeeyo Madaxda sar sare ee dowlada Soomaliya.
Kulankii Maanta oo uu Shir gudoominayay gudoomiya K/xigeenka koowaada ee baarlamaanka Soomaaliya Por. Maxamed Cumar dalaxa ayay Mudanayaasha baarlamaku kaga hadleen xaalada ka taagan dalka Soomaliya gaar ahaan khilaafka hareeyay Mas'uuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya sida Madaxweyne C/llaahi yuusuf Axmed iyo R/wasaara Geedi oo isku maan dhaafsan arrima dhowr ah.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa Maanta dood kulul ka yeeshay Xariga dhawaan loo gaystay gudoomiyihii Maxkamada sare ee dowlada Soomaaliya iyo Xeer ilaaliyaha qaranaka oo murunka ugu daran ka dhax aloostay Mas'uuliyiinta dowlada Soomaaliya, waxaana laysla go'aamiyay in gudi gaar ah loo saaro xalinta khilafka u dhexeeyo Madxweyne C/llaahi yuusuf iyo Cali Geedi.
qaar katirsan Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xiligan ay is khilafaan madaxdii qaranka xili dalku uu marayo meel xasaasi ah waa markii ugu horaysay oo uu baarlamaanka Soomaaliya ka hadlo khilaafka u dheexeeyo Madaxweyne C/llaahi yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi.
©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.