HOME
QURAN
CONTACT US
HEESO
ARCHIVES
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
Guddoomiyihii degmada Heliwaa iyo sarkaal ka tirsan ciidamada booliska DFKM oo xalay lagu dilay Muqdisho.
Posted to the Web Sep 26, 08:07
Muqdisho
:-Guddoomiyihii degmada Heliwaa Cabdi Xuseen Absuge iyo sarkaal ka tirsan ciidamada booliska oo la oran jiray Axmed Xaashi Jimcaale ayaa la dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmadaasi C/llaahi Macalin Axmed waa la dhaawacay kadib markii kooxaha kacdoonka ay weerar ku qaadeen saldhiga degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Waa weerarkii 2aad oo todabaad gudahiis lagu dilo saraakiil ka tirsan DFKM, weerar habeenkii isniinta lagu qaaday saldhig ciidamada DFKM ay ku lahaayeen Xabaalaha Barakaat ee duleedka Muqdisho ayaa lagu dilay taliyihii guutada 115aad ee ciidamada milatariga.
Ku simaha afhayeenka ciidamada booliska DFKM C/llaahi Cumar Ibraahim Shaacshaac ayaa xaqiijiyay geerida guddoomiyaha degmada Heliwaa iyo dhaawaca ku xigeenkiisa inkastoo uu beeniyay dilka sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska.
Dadka ku dhaqan agagaarka saldhiga Heliwaa ayaa sheegay in kooxihii xalay soo weeraray saldhiga degmada Heliwaa ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigaasi iyo guri uu deganaa guddoomiyaha oo aan sidaa uga fogeyn saldhiga inkastoo markii danbe ay isaga baxeen.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Warshada Baastada oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia lamana oga khasaarihii hoobiyayaashaasi ay gaysteen.
Waa markii 2aad oo dil loo gaysto guddoomiyaha degmada Heliwaa horey ayaa waxaa loo dilay guddoomiyihii degmadaasi, ayadoo degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid laba jeer la dilay guddoomiyayaashii loo magacaabay degmadaasi.
©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.