Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Marxuum Ugaas Jaamac Ugaas Muxumed Ugaas Cilmi oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.
Ugaas Jaamac Ugaas Muxumed Ugaas Cilmi , waxa uu ka mid ahaa Odayaashii Xornimadii 60-kii u soo halgamay , waxa uu taariikh weyn ku leeyahay aasaaskii Waxbarashada gobolka Awdal , waxana uu ka mida ahaa Shirgudoonkii Ergooyinka ee lagu soo dhisay Xukuumadii Madaxweyne Cigaal.
Madaxweynuhu , waxa uu ilaahay uga baryay inuu Naxariistii Jano ka waraabiyo , Qoyskii iyo Qaraabadii iyo shacbiga reer Somalilandna ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin
Aamiin
..Aamiin
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL |