HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 Baydhabo(djiboutination)-Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’isul-wasaare Nuur Cadde iyo Hoggaamiyayaal ka kala socda Dowladaha Bariga Afrika, Dowladda Maraykanka, QM iyo Ururka Midowga Afrika, ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka qeyb galaan kulan khaas ah oo looga xaajoon doono Arrimaha dalka Somalia oo ka dhici doona Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, ayaa lagu xaqiijiyey inay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Condoleezza Rice ka qeyb geli doonto Kulan ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha Bariga Afrika,, Ergooyin ka kala socda QM iyo Ururka Midowga Afrika “AU”-da bishan 5-da ku yeelan doonaan Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Qaaradda Afrika, Jendayi Frazer, ayaa sheegtay inay Kulankaasi ka soo qeyb geli doonaan Madaxweynaha Somalia, Ra’isul-wasaaraha DFKMGS iyo Hoggaamiyayaasha Dowladaha Jabuuti, Ugandha, Ethiopia, iyo Sudan, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Alpha Omar Konaari iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Axmedu Walad Cabdalla.

Jendayi Frazer, oo Suxufiyiinta kula hadashay Xarunta Waaxda Arrimaha Dibedda ee magaalladda Washington, ayaa tilmaamtay in Kulanka maalinta Arbacadda ka dhici doono magaalladda Addis Abeba in lagu falaanqeyn doono Arrimaha dalka Somalia iyo sidii Talooyin looga bixin lahaa sidii Wada-xaajoodyo dheeraad ah iyo Shirar Dib-u-heshiisiin ah loo qaban lahaa iyo Doorashadda lagu wado inay dalka Somalia ka dhacdo sannadka 2008-da.

Iyadoo arrintaasi sii ambaqaadayso, waxay xustay in Kulankaasi lagu qiimeyn doono Xaalladaha colaadeed ee ka aloosan magaalladda Muqdishu iyo sidii Ciiddamo Nabad-ilaalin dheeraad ah loogu soo biirin lahaa Hawlaha Nabad-ilaalinta Afrikaanka “AMISOM” ka wadaan gudaha dalka Somalia.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Tom Snow, ayaa sheegay in Kulanka ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku xeeran Beriga Qaaradda Afrika iyo Madaxda ka kala socda Dowladda Maraykanka, QM iyo Midowga Afrika maalinta Arbacadda ku yeelanayaan Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba in lagu muujin doono Taageeradda loo hayo Ra’isul-wasaaraha cusub ee DFKMGS, Md. Nuur Xuseen Xasan “Nuur Cadde” iyo sidii DFKMGS loogu fududeyn lahaa wixii Inkaaniyaad ah oo ay u baahan tahay,

Djiboutination  International News Desk

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.