Ahmed Siilaanyo oo u Ambabaxay Magaalada Gar-adag
Hargays(Waaheen).Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye Axmed Siilaanyo ayaa galabta u kicitimay Magaalada Gar-adag ee uu ka socdo shirka beelaha Habarjeclo.
Mar hore oo uu tagay Guddoomiyuhu Garadag wuxuu warbaahinta u sheegay inaanu u tegin inuu ka qaybgalo shirkaas, imikana weli lama shaacin sababta uu dib ugu laabtay madasha shirka beesha halkaa uga socda. Waxase maalmahan jiray khilaaf u dhexeeyey beelaha halkaa ku shiray oo qayb ka mid ahi xalay iyo maantaba sheegeen inuu shirka lagu kala kacay iyada oo Beesha Muuse Abokor cuqaal ka mid ahi imika ku sugan yihiin Caynabo.
Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in Gen. Ismaaciil Cali Abokor uu isagu dib uga soo laabtay shirka haatanna ku sugan yahay magaalada Burco