War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa
uu maanta qasriga Madaxtooyada kula kulmay Agaasimayaasha Guud ee
Wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynaha oo hadal kooban kulankaasi ka jeediyay , waxa uu sheegay in
agaasimayaasha guud yihiin cida xilka ugu horeeyaa ka saaran yahay hawl
qabadka iyo dar dar gelinta xilka wasaaraduhu ay u hayaan umadda, waxana
uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in uu la yeesho agaasimayaasha guud
kulamo kale , si uu uga dhagaysto waxyaabaha u qabsoomay wasaaradahooda
iyo waxyaabaha aan u qabsoomin , isla markaana sidii tallaabooyin wax ku
ool ah looga qaadi lahaa baahiyaha ay wasaaradahoodu qaban lahaayeen,
intii awoodeenu ina siiso.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay agaasimayaasha guud in ay soo
diyaariyaan oo ay hor keenaan kulmada soo socda ee uu la yeelan doono
wixii horumar ah ee ay wasaaradahoogu ay ku tallaabsadeen iyo wixii
dhibaatooyin ah ee hor yaala.
Agaasimayaasha guud qaar ka mid ah oo iyana halkaasi ka hadlay waxa ay
ugu mahad naqeen Madaxweynaha fursada uu siiyay wakhtigiisa qaaliga ah in
uu la kulmo , kana dhagaysto wixii fikrad ah ee ay ka qabaan horumarinta
iyo waxqabadka wasaaradahooga.
Alla Mahad leh