Suuqyada ugu waaweyn ee magaalada djibouti ayaa maanta si aad ah looga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogan oo ku aadan u diyaar garowga Bisha Ramadaan ee Ramadaan.
Iyadoo Muddo hal maalin keliya ay ka harsan tahay Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ugu xooganaa looguna diyaar garoobayay bisha Soon ayaa waxa uu kasoconayaa Suuqyada waaweyn ee Magaalada djibouti kuwaasi oo ahaa mid aad u mashquul badan dhinaca ganacsiga.
Gudaha Suuqa weyn ee Balaas saraanbo ayaa maanta waxaa kasoconayay Ganacsiyo xoogan oo loogu diyaar garoobayo bisha barakeysan ee Ramadaan.
Mid kamid ah Ganacsatada Iibisa ayaa Idaacadda djibouti uga warbixiyay sida uu yahay u diyaar garowga dadka ay kaga iibsanayaan ascaarta isagoo sheegay in ay si aad ah dadka u iibsanayaan ascaarta
Scaada Giire waxa ay kamid tahay Ganacsatada iibisa raashiinka quutul daruuriga ah ayaa sharaxday qiimaha raashiinka ay iibinayaan sanadkan iyo sida ay dadka ugu diyaargaroobayaan, waxayna sheegtay in sanadkani sicirka wax lagu iibsanayo uu yahay mid aad qaali uga ah intii horey ay wax u iibin jireen.
Dhanka kale waxaa iyana diyaar garow dhinaca ganacsiga ah laga dareemayaa Bakhaarada lagu iibiyo cabitaannada kala duwan kuwaasi oo uu ka muuqday mashquul aad u fara badan oo ganacsatadu iyo dadweynaha ay wax ku kala iibsanayaan waxaana dhaq dhaqaaqyadan ay kusoo beegmayaan xilli maalin qura ay ka harsan tahay bisha barakeysan ee ramadaan oo inta badan dadka reer djibouti ay u diyaar garoobaan in ay kaga faa’ideystaan dhinac waliba