Inta badan shanta Soomaalida ayaa maanta looga Soomay si isku mid ah, iyadoona qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya laga arkay Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Magaalooyinka waa weyn ee dhulka somalidu degaan ayaa laga Soomay, waxaana dadka soomaaliyed ay sanadkan yihiin kuwo meesha ka saaray isku khilaafka Bilashada Bisha Ramadaan oo ay dhici jirtay in dadka ay labo maalin kala Soomaan.
Bishan Barakeysan oo ah Bil ay qadariyaan Muslimiinta, isla markaana ka faa'ideysta qeyrka ay xambaarsan tahay, ayay muslimiinta cibaadeystaan.
Dunida Muslimka ayaa iyana ah kuwo si isku mid ah looga sooman yahay, kadib markii shalay looga dhawaaqay in maalinta Isniinta ay tahay Soon, waxaana lagu saleeyay dhamaanshaha Bisha Shacbaan oo shalay ku dhamaatay 30.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilligan heysta xaalado adag oo ay ugu weyn tahay dhibaatooyinka dhinaca nolosha iyo colaadaha is biirsaday, taasi oo ay waxyeelo ka soo gaaraan dagaalada iyo weerarada ka dhaca Caasimada, waxaana dadkan ay codsanayaan in fadliga bishan barakeysan ee Ramadaan aawgeed loogu gar gaaro.
Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa maanta ah maalintii 1aad, waxaana dadka soomaaliyeed iyo Muslimiintaba u rajeyneynaa inay bishan bisheeda kale ku gaaraan Nabad, Horumar, Barwaaqo iyo Qeyr badan (Kulu Caam Wa Antum Bikheyr