Bayaan kasoo baxay xafiiska Hay’ada qaramada midoobe u qaabilsan qaxootiga caalamka UNHCR ee magaalada GENEVA ayaa lagu sheegay in dagaalada kasocda Somalia ay wado u noqdeen dadka tahriibta ah ee kusii qulqulaaya dalka Yemen.
Sidoo kale waxa lagu sheegay war bixintu in ay soo gaareen bishii August ee aynu ka soo gudubney oo kaliya dalka Yemen dad tiradoodu lagu qiyaasey in kabadan 1,700 oo qof oo Somali ah oo naftoodu khatar soo geliyey iyaga oo kusoo safraaya biyaha khatarta ah ee gacanka cadmeed kulaalah xeebaha dalka Somalia.
Hay’addu waxa ay tilmaamtay in bilihii la soo dhaafay ay ka gudbeen biyaha udhaxeeya Somalia iyo yemen tahriibiyaal aad ufara badan oo ka ambabaxey xeebaha Gobolka bari ee dalka Somalia kuwaasi oo isugu jira Somali iyo Ethopian.
Afhayeen u hadley heyada UNHCR oo lagu magacaabo Ron Redmond ayaa sheegay in tahriibiyaal aad ufara badan ay ku waxyeeloobeen safarkoodii badda iyadoo qaarkoodna ay ku dhinteen badda halka qaar kalana ay ku soo gaareen xeebaha Yemen nolol aad u liidata.
Afhayeenkani waxa uu carabaabay in 59 doon oo wada dad tahriibiyaal ah ay soo gaareen xebaha dalka Yemen bishii la soo dhaafey ee August iyagoo sameystey wadooyiin hor leh oo aan horey looga baran doomanka tahriibta.
Mr.Redmond ayaa sheegay in ay geeriyoodeen bishii lasoo dhaafey ee August 12 qof oo tahriibiyaal ahaa oo saarnaa haldoon halka 8 kamid ah dadkaasi tahriibiyaasha ay iska tureen doonidii ay saarnaayeen kagadaal markii ay israsaaseyn xoogan ay dhex martey ciidamada ilaalada xeebaha dalka yemen iyo kooxihii doonidaasi tahriibka watey.
Axmed Nuur Ibraahim Axmed Somali