Dad Soomaali ah oo ciidamada Ethiopia u xiraan mudo 4 bil ah oo dib u helay xiryadooda
Posted: 8/30/2008 8:11:00 AM
Dadkani oo gaaraya 30 ruux ayaa dib u helay xuriyadooda kadib markii mudo ku dhawaad 4 bil ay ku jireen xabasi ku yaala magaalada Galaadi ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
Dadkani ayaa xabsiga galay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ay ka aruuriyeen deegaano hoos yimaada Tuulada Yamaarugleey kadib markii deegaankaasi lagu dilay nin deegaankaasi u dhashay.
Dadkani ayaa dhamaantooda waxaa ay ahaayeen xoolo dhaqato xiliga la qabanayay ku mashquulsanaa samata bixinta xoolohooda kadib marii uu soo food saaray abaaro iyo jiilaal xiligan halkaasi ka jira,waxaana dadkani ku jiray ruux haween ah iyo canug yar oo ay wadatay.
Muuse Cabdullaahi faarax oo ka mid ah odayaasha mudo halkaasi ku xiraan dibna u helay xuriyadiisa ayaa idaacada shabelle u sheegay in xaaladooda caafimaad hada ay wanaagsan tahay laakiin ay la kulmeen intii ay xabsiga ku jirene dhibaatooyin ku soo wajahay gudaha xabsigaasi.
Ma’ahan markii ugu horeeysay ee ciidamada Ethiopia ay cadaadis u geeystaan dadka Soomaaliyeed ee gobolkaasi ku nool,waxaana dadka haatan dib u helay xuriyadooda ku jiray dad isku reer ah oo xiligii ay xirnaayeen xoolohooda ay dayacmeen maadaama aysan jirin Cid u waardiyeeysa xili ay dhamaantooda xabsiga u taxaabeen ciidamada Ethiopia.
Man jiraan cid ka hadashay dhibatooyinka Soo wajahay dadkaasi mudadii ay xirnaayeen iyo Weliba dayaacaada hantidooda ku timid waxaana digniin lagu soo siiyay hadii sida ugu dhaqsiyaha badan aaneey u soo bixin diyada qof xarigooda uu ku yimid kaasi oo horay loogu dilay deegaankaasi mudo bil ka hor in ay jeelka ku soo laaban doonaan.