illaa 5-ruux ayaa barqanimadii maanta lagu dilay Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq bacaad xilli ay saarnaayeen gaari kuwa raaxada ah.
Dhimashada shantan ruux ayaa timid kadib markii Kooxo Hubeysan ay rasaas ku fureen xilli ay kusugnaayeen Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq-bacaad gaar ahaan halka loo yaqaano waqda.
5-tani Ruux ayaa 3-kamid ah waxa ay geeriyoodeen isla goobta rasaasta lagula beegsaday halka 2-da kale ay u geeriyoodeen dhaawicii soo gaaray sida dad halkaasi kusugnaa ay Shabelle u xaqiijiyeen, waxaana ay ahaayeen dadkani kuwa saarnaa xilligii rasaasta lagu furayay gaari kuwa raaxada ah.
Dadkani la dilay oo ahaa Ganacsato ayaanan la ogeyn sababta keentay dilkooda lakin wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu salka ku hayo dilkooda aano qabiil.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq bacaad lagu dilo dad rayid ah iyadoo Ammaanka magaalada Muqdisho maalmahani ay noqotay mid faraha baxeysa xilli goobaha ay ka dhacayaan dilalka ceynkani oo kale ah ay si aad ah ugu dhaw xarumaha Ciidamada Dowladda Federaalka inkastoo aysa waxba ka qaban falkaasi.