HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Iidi Amin nin caynkee ah ayuu ahaa
 

Shaley waxay ku beeneyd 16-kii August waa markii madaxweynihii hore dalka Ugandha Iidi Amin Dada uu ku geeriyoodey Isbitaalka Boqor Faysal ee magaalada Jidah ee wadanka Boqortooyada Sacuudiga sanadkii 2003-dii, halkaasi oo ku xanuunsanaa uuna ku joogay magangalyo siyaasadeed ka dib markii uu ka cararay wadankiisa.

Denis Hills oo ahaa qabiir reer Britain oo ka cararay dil uu ku xukumay Iidi Amin
Waxaa muran xoogani uu ka taagnaa da’da Iidi Amin Dada maadaama aan la hayn wax raad raac ah oo ku aadanaa xiligii uu dhashay laakiin waxaa warar la isku haleyn karo ay sheegeen in uu jirey 80 sano xiligii uu geeriyoonayey. 

Iidi Amin wuxuu ka mid noqdey hogaamiyeyaasha caanka ku noqdey xukun jacaylka, dilka iyo kali talisnimada Qaarada Afrika hogaamiyeyaashii soo marey.

Iidi Amin waxaa lagu yaqiin xirashada bilado iyo aamusnaan
Mudadii uu xukunka hayey Iidi Amin Daada waxaa la sheegaa in la dlay 400 kun oo qof, kuwaasi oo si qarsoodi loo diley xabsiyada ku geeriyoodey, wuxuuna xukunka hayey intii u dhaxaysay sanadihii 1971-kii ilaa iyo 1979-kii, waxaana markii dambe xukunka ka tuuray ciidamo isbahaystay oo ka socdey wadanka Tanzaniya iyo mucaaradka Ugandha ee dibad jooga ahaa.
Madow & Cadaan IIdi Amiin wuxuu jilbaha u dhigay dadka Ugandha ku dhaqan
Idi Amin Daada wuxuu ahaa horey u ahaa taliyihii ciidamada qalabka sida ee madaxweyne Milton Oboto sanadkii 1966 waxaana shan sano ka dib oo xilkaasi uu hayey  uu xukunkii wadanka Ugandha ku qabsadey afgambi military xiliigasi madaxweynihii wadanka Milton Obota wuxuu ku maqnaa dalka dibadiisa, waxaana Iidi Amin Daada uu isku magacaabay madaxweynaha Ugandha inta uu nool yahay.
Iidi Amin Daada xukunkiisa si weyn ayaa loo dhaleeceeyey
8 sano uu xukunka wadankiisa hayay wuxuu caan ku noqdey xukun adeyg iyo dabeecado qariban oo si weyn loola yaabay, wuxuu isku matalay boqor ka mid ahaa boqoradii soo maray dalka Ingiriiska wuxuuna isgudoonsiiyey jaa’isooyin iyo bilado ciidan sida Victoria Cross iyo Military Cross.
Boqolaal dad ah Aasiyaan ah oo uu ka saaray dalka Ugandha IIdi Amin
Wuxuu guursadey hal mar shan haween ah waxaana uu dhalay daraasiin caruur ah, wuxuuna ku adkeysan jirey in loogu yeero aabaha weyn. 

Dadka eedeeya waxay ku tilmaamaan in uu diley ama masuul ka ahaa intii xukunkiisu jiray in uu la diley boqolaal qof.

Ururada u dooda xuquuqda aadamaha iyo dawlada Ugandha ayaa waxay sheegeen inay ka qoomamaynayaan inaan la helin in xukun lagu qaado dambiyadii uu geystey Iidi Amin Daada.

Iidi Amiin Daada oo hadal kulul u jeedinaya dadka wadankiisa
Waxyaabaha la yaabka leh ee uu sameeyey Iidi Amin Daada waxaa ka mid ahaa in sanadkii 1972-dii uu amray in ay isaga baxaan dalka Ugandha dadka dhalashooda tahay wadamada Aasiya, kuwaasi oo ku eedeeyey inay maamulaan oo ay haystaan awoodii dhaqaalahaa dalkiisa, kuwaasi oo deganaa wadankaasi intii uu jirey xukunkii guumaysigii Ingiriiska ee dalkaasi. 

Sanadkii 1979-kii wuxu ciidamo u direy wadanka dariska ay yihiin ee Tanzaniya si ay u caawiyaan mucaaradkii dawladii xiligaasi, laakin quwad ciidan oo isa soo bahaysatey ayaa waxay keentey inay isagii awoodii ka tuuraan.

Waxaana xukunkii lagu soo celiyey ninkii uu isagu xukunka ka tuuray ee Milton Obota.

Iidi Amin Daada wuxuu xilligaasi u baxsadey wadanka Liibiya, ka dib wuxuu uga si gudbay wadanka Ciraaq, ugu dambeyntii wuxuu saldhigtey wadanka Sacuudiga tan iyo intii baxsadeyna dib uguma laaban dalkiisa ilaa uu halkaasi ku geeriyoodey.

Waxyaabaha yaabka leh ee lagu xusuusto xukunkii Iidi Amiin Daada ayaa waxaa ka mid ahaa in  la isku dayey in la dilo tiro ka dhawr jeer iyadoo ay dilkaasi isku dayeen dawlado waa weyn.

Lord Owenoo ahaa xoghayihii xukuumada Ingiiska ee sanadkii 2003-dii ayaa wuxuu qirey in uu jirey qorshe dawlada Ingiriiska ay ku damacdey inay ku disho Iidi Amiin Daada intii uu xukunka hayay.

  Tifaftiraha Guud
 Mowliid Xaaji Cabdi

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.