Hogaamiye dhaqameedyo ka soo Laabtay Garowe oo si diiran loo soo dhaweeyey Laascaanood.
Aug 04, 2008 at 09:01 PM
Laascanood,(Qarannews)-Hogaamiye dhaqameedyadan oo uu hogaaminayo Garaad Maxamed Garaad Ismaciil (Ruush) ayaa waxay ka soo kicitimeen Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland oo ay ku sugnaayeen tan iyo intii ay xukumada Somaliland gacan ku haynteeda la wareegtay maamulka gobolka Sool gaar ahaan caasimada gobolka ee Laascanood
Weftidan oo iskaga yimid dhanka Garoowe ayaa waxa horkacaayay ama hogaaminaayay Ina Garaad Ismaciil ayaa waxaa soo dhaweeyey Masuuliyiinta Gobolka iyo Wax garad kale oo reer Laascaanood ah, weftidana yaa waxay ku xog warameen in ay soo gaadheen Gobolkoodii oo ay ka maqnaayeen mudadii Somaliland ay la wareegtay Maamulka Gobolka Sool, sido kale waxaa hadaladoodii ka mid ahaa in aan cidina ka maqnaan karin Gobolka ay ka soo jeedo Garaado walaa Siyaasiyiinta jooga Garowe, isla markaana waxay mahad celin balaadhan u soo jeediyeen Sida diiran ee loogu soo dhaweeyey Laascaanood.
Wefitadan ayaa waxay ka koobnaayeen lix Xubnoo oo kala ahaa
. Wakiil Garaad Maxamed Garaad Ismaaciil( Ruush)
2. Caaqil Saciid Cashuur Abyan
3. Caaqil Salaad Xuseen Bile
4.Oday Axmed Hasan Maxamed
5.Oday Yasin Diiriye samatar
Arintan kooxda hogaamiye dhaqameedka ah ee hada ku soo guryo noqday gobolkoodii Maamulka Somaliland ayaa waxay u tahay Guul wayn sidii guulihii hore isdaba jooga ahaa ee ay ka gaadheen Gobolada Bari ee Jamhuriyada Somaliland siiba Gobolka Sool oo ay si siyaasadeed iyo Awoodba ay kala wareegeen Puntland, sido kale waxaan xusid mudan oo aan horay loo arkin in uu ku soo laabto Laascaanood Xubin sidana masabka Garaadnimo ee Beelaha Gobolada S.S.B., beryahii hore waxaa la arki jirey siyaasiyiin, Shaqaalle iyo Shacab ka noqon jirey Garowe balse maanta waa isimkii ugu horeyey ee soo gaadha Magaalda Laascaanood.
Magaada Laascaanood aad baa lagu hadal hayaa dadkuse waxay u kala turjumaya siyaabo kala duwan imaatinka Ina Garaad Ismaciil (ALLAA YA RAXMA)iyo waftida wehelisa dadka qaarkood baa ku tilmaamay in Imaatinka Garaadka ay sabab u tahay ka raja go’ Xukumada Cade Muuse iyo Garowe oo uu u gudbayo Hargeysa iyo Somaliland,qaarna waxay isla dhex marayaan in uu soo gaadhey Laascaanood oo uu dib ugu noqonayo Garowe,balse lama oga ujeedada waftidan iyo arinka Wakiilka Garaadka meel ay cagadhigan doonto.