HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
ONLF oo si adag ganafka ugu dhufatey hadalkii ka soo yeeray Col.Barre Hiiraale

 

Jabdaha dhaqaaqa mucaaradka Soomaali Galbeed ee ka soo horjeeda in dhulkaasi uu ku hoos jiro maamulka Itoobiya ee magacooda loo soo gaabiyo ONLF ayaa war ay soo saareen waxay si adag gaashaanka ugu daruureen hadal dhawaan uu qalabka warbaahinta ka jeediyey Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ku aadanaa in kooxdaasi ay ku lug laheyd dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

C/qaadir Xasan Hirmooge oo ka mid ah hogaanka sare ee Jabhada ONLF ayaa isagoo ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eritrea wuxuu si adag u sheegay in warka ka soo yeeray Co.Barre Hiiraale oo uu ku sheegay in dagaalyahanada ONLF ay dagaalkaasi ka qayb qaateen uu yahay mid been abuur ah oo uusan ka fiirsan Col.Barre Hiiraale, waxaana Hirmooge uu tibaaxay inaanay dhinacooda jirin wax ciidamo ah oo ay ku urursandeen deegaankaasi ama gacan siiyey xoogaga Islaamiyiinta ee dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo ku jabiyey maleeshiyo beeleedka taabacsan maamulkii laga saaray magaalada Kismaayo ee uu hormuudka ka ahaa Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.