HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
War-saxaafadeed


Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu soo saaray Digreeto
cusub oo  uu ku magacaabay  Agaasimaha guud ee Shaqada Wasaarada
Caafimaadka Somaliland.


Madaxweynuhu isaga oo raacaya qodobka 90-aad , faqradiisa 3-aad ee
Dastuurka Somaliland, isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee
wasaarada Caafimaadka iyo shaqadu ay u leedahay dhismaha dalka , waxa uu u
magacaabay Mudane Ibraahim Diiriye Xayd  in uu ahaado Agaasimaha guud  ee
Shaqada Wasaarada Caafimaadka.


Madaxweynuhu , isaga oo aqoonsaday baahida weyn ee loo qabo buuxinta
jagadaasi iyo kartida aqooneed ee uu leeyahay waxa uu ku amray Agaasimaha
cusub in uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilka loo magacaabay.



Alla Mahad leh




Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.