
Madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki ayaa soo saarey baaq ku aadan arimaha Soomaaliya kaasi oo uu jeeday beesha caalamka, isagoo baaq kalena u jeediyey hogaamiyeyaasha Soomaalida.
Madaxweyne Kibaki ayaa wuxuu ugu horeyn ugu baaqay beesha caalamka inay fuliso balanqaadyadii ku aadanaa dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo ay socdaan talaabooyinka ay ku majaxaabinayaan kooxaha hubaysan dadaalada ay sameysay dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ee ay ku mideynayso dalka.
Madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu ugu baaqay kooxaha iska horjeeda ee dagaalamaya inay fahmaan in habka kaliya ee nabad iyo horumar ay ku gaari karaan umada Soomaaliyeed ay tahay iyadoo la helo wadahadalo laakin aanay aheyn halgal dagaal.
Mwai Kibaki waxaa kale oo uu farta ku fiiqay in Kenya ay sanooyin ka hor ay u istgaagtey arimaha umada Soomaaliy6a, iyo in ay si ka fool fool ah ugu wacyigalin laheyd gobolka in la taageero Soomaaliya.
Faadumo Abuukar Cabdi