Guddoomiyaha Baarlamanka oo ka hadlay dil xalay Baydhabo loogu geystay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia, kuna eedeeyey..

Guddoomiyaha Baarlamanka federaalka Somalia Sheekh Aadan Madoobe ayaa tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday marxuum Ex-xildhibaan Maxamed Cismaan Maye oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamanka Somalia oo xalay kooxo hubeysan ay ku toogteen xaafad Horseed ee magaalada Baydhabo, xili uu ka soo baxay masaajid halkaasi ku yaala oo uu ku soo tukaday salaadii taraawiixda kuna soo jeeday hoygiisa.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in marxuum Maye ay dishay gacan ka a daran, isagoo dilkiisana ku eedeeyey iney ka dambeeyeen kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in falkaaasi uu yahay mid laga xumaado oo guud ahaan mas’uuliyiinta sare ee DF ay cambaareynayaan “Waxaa dilkiisa ka dambeeyey gacan ka gardaran oo ah dad Islaam sheeganaya, haddana baneystay dilka qof muslim ah oo oo iyaga la mid ah” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Marxuum ALLAHA u naxariistee Maxamed Cismaan Maye oo isagu ka soo jeeda beelaha Banaadariga ee ku dhaqan degmada X/weyne waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanada ugu firfircoon ee ka dhex muuqan jiray doodaha iyo fadhiyada baarlamanka ee ku aadan arimaha siyaasadeed iyo amaanka ee dalka, wuxuuna xildhibaanku ka mid ahaa kuwii ololeynayey siyaasada madaxweynaha markii dhowaan ay isqabteen mas’uuliyiinta sare ee dowladda Somalia.
Marxuum Maye ayaa dhowaan ka hor jeediyey fadhi uu lahaa hadal ku aadan arimaha amaanka ee magaalada Baydhabo isagoo sheegay in xildhibaanadu uu amaankoodu Qatar ku jiro aysan laheyn ilaalo u gaar ah oo amaankooda sugta, loona baahan yahay in xukuumadu arintaasi isla xilsaarto “Haddii la waayo ilaalo loo sameeyo xildhibaanada, dhamaanteen waxaan nahay meyd socda” ayuu ku yiri xildhibaanka oo ka hadlayey mid ka mid ah fadhiyadii uu baarlamanku iskugu yimid dhowaan waana xildhibaankii labaad ee ka tirsan baarlamanka Somalia oo kooxo hubeysan ay toogasho ku dilaan, iyadoo bishii July sanadii 2006-da lagu dilay isla magaalada Baydhabo xildhibaan Cabdalla Deerow Isaaq., waxaana lagu wadaa in meydka marxuum xildhibaan maye lagu aaso magaalada Baydhbao saacadaha soo socda.