Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo Maleeshiyaadka Islaamiyiinta Soomaalia ayaa saaka ku dhex maraya Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu qalqal geliyay dadka tirada yar ee ku harsan gudaha Magaalada B/weyn kuwaas oo markii horeba cago badan ku taagneyn.
Goobaha uu dagaalku ka socdo waxaa ka mid ah xaafada Howl Wadaag, wadada isku xirta Buundada Liiqliiqato iyo Saldhiga booliska iyo Xeradii hore ee Asluubta, waxaana la ogeyn khasaaraha uu keenay dagaalkaasi.
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan buurta Jante kundisho ayaa madaafiic waxa ay ku garaacayaan xaafada Howl wadaag ee uu dagaal Culus uu ka socdo iyadoo dadka degan magaalada B/weyn ay soo wajahday baqdin tii ugu xooganeyd,waxayna bilaabeen inay daafaha Magaalada u qaxaan.
Lama oga ilaa iyo hadda dhimashada iyo dhaawac dagaalkan dhaliyay maadama ay adag tahay in warar sugan laga helo Magaalada ama goobaha dagaalka ka socda