HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guul dareystay in ay heshiis ka gaaraan Qodobadii ay madaxweynaha iyo Ra'isul wasaarha Soomaaliya ku gaareen Dalka Ethiopia.

Posted: 9/7/2008 2:46:00 PM

 

Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ku guul dareeysatay in ay go’aan ka gaaraan heshiiskii ay madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ku gaareen dalka Ethiopia kadib kulan ay maanta Ku yeesheen Xarunta Baydhabo ay ku leeyihiin.

 

In ka badan 180 xubnood oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya  oo kulan ay maanta isugu yimaadeen Xaruntooda magaalada Baydhabo ayaa ajandaha ay ka doodayeen maanta waxaa uu ahaa heshiiskii ay dhawaan dalka Ethiopia kuwada gaareen Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ajnadyaasha maanta ay ka doodayeen ayaa loo qeyibyay labo maalin ka hor kaasi oo waraaqado ay ku qoran yihiin qodobada ay ku heshiiyeen.

 

Baarlamaanka oo maanta dood kulul ka yeeshay qodobada ay dalka Ethiopia ku wada gaareen Cabdullaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa waxaa ay mudanayaasha Badankooda ahaayeen kuwo ka biyo diidsan qodobadaasi.

 

Xildhibaan Max’ed Qanyare Afrax ayaa ku tilmaamay qodobadaasi kuwa xaaran ah oo aanan u cuntameyn baarlamaanka Soomaaliya isla markaana waxaa uu ku tilmaamay xukuumada in ay tahay mid aan xiligan ku habooneeyn in ay sii shaqeeyso.

 

Xildhibaan  Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xukuumada ay tahay mid aan shaqeeyn kari iskaba daayee wasiiro kale oo lagu daro.

 

In kastoo xilidhibaanada ay maanta kulankooda uga meel iska dhigeen wax ka soo baxay heshiiskii ay dalka Ethiopia ku gaareen madaxda dowlada KMG Soomaaliya ayaa hadana waxaan la ogeyn sida ay ka yeelayaan madaxada sar sare.

 

Kulankii maanta ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlmaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore waxaana ay gabgabadii xildhibaanada ka soo kala dareereen madasha shirka iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.