Ganacsade Ciise Cismaan Cali oo ka mid ahaa aas aasayaashii Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada ayaa duhurnimadii maanta waxaa toogasho ku dilay Ilaa afar ruux oo bastoolado ku hubeysan.
Dilkan Ganacsadahan ayaa ka dhacay agagaarka Mounta Sinay, gaar ahaan goob lagu cayaaro Bilyaardiga oo uu fariisan jiray Ganacsadaha, waxaana lala dilay mid ka mid ah Ilaaladiisa oo xilligaa ilaalo ka hayay.
Ciise Cismaan waxaa uu horay Idaacadaha Muqdisho uga sheegay inuu ka baxay Isbaheysigii Argagixisa La-dirirka, xilligaasoo Dagaalo ay la galeen Maxkamadihii Islaamiga, oo markii dambe ka saaray dalka oo dhan.
Lama oga sababta dilkiisa loogu qoonsaday, iyadoo aan wax xil aha ama xiriir aanu la laheyn Dowladda Federaalka, marka laga reebo xubinimadiisii Isbaheysigii uu ka tirsanaan jiray, isla markaana uu bur buray.
Ciise Cusmaan Cali waxaa uu ka mid ahaa Ganacsatada waa weyn ee Magaalada Muqdisho isagoo tan iyo markii uu burburay Isbaheysigii uu ka mid ahaa u wareegay dhinaca ganacsiga oo markiisaba ku caan ahaa.
Ciise waxaa uu ifka kaga tagay ku dhawaad 15 Caruur ah iyo 3 xaas oo mid ka mid ah ay degan tahay Dibadda inta kalena ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.
Ciise Cismaan Cali ayaa xulufo la ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho, sida Muuse Suudi, Qanyare, Cabdi Qeybdiid, Maxamed Dheere iyo Cumar Finish, kuwaasoo haatan ka tirsan Dowladda Federaalka