HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Daryanka Madaafiicda culus iyo Rasaasta kala duwan ayaa xalay mar kale laga maqlay gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona halkaas iska hor imaadyo xoogan ay ka dhaceen.

Xoogaga Dhalinyar diimeedka Alshabaab ayaa xalay dagaal ku qaaday Saldhiga Booliska Baydhabo ee ku yaala Xaafada Suuqa Xoolaha, halkaasoo dagaal xoogan kula galeen Ciidamada Booliska ee halkaas ku sugnaa.

Inkastoo la heyn faah faahin ku aadan qasaaraha ka dhashay dagaalka, hadana xiriiro aanu la sameynay dadka deegaanka ayaa waxay noo sheegeen in Mid ka mid ah Gidaarka Saldhiga uu soo dumay, markii uu ku dhacay Qoriga Baasuukaha oo ay la abaareen Xoogaga weerarka soo qaaday.

Sidoo kale warar aan kala cadeyn ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ay in kooban la wareegeen Saldhiga Booliska, hase ahaatee ay arrintaas gaashaanka u daruureen Saraakiisha Booliska Baydhabo.

Kadib dagaalkaas ayaa mar kaliya waxaa is qabsaday weeraro Madaafiic ah oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxtooyada, kaasoo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Madaafiicdaas.

Magaalada Baydhabo oo ah Magaalada dhabta ee ay ku xoogan tahay Dowladda Federaalka, ayaa hadana waxaa ka dhaca Dagaalo iyo duqeyn ay Xoogaga ka soo horjeeda ku qaadeen, taasoo horay tiro dhowr jeer sidan oo kale weeraro lagu qaaday
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.