HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Xildhibaanada Baarlamaanka oo cod aqlabiyad ah ku diiday in xukuumada Soomaaliya in lagu soo daro 10-kii Wasiir ee horay isku casilay.

Posted: 9/11/2008 2:40:00 PM

Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah Maanta ku diiday in xukuumada Soomaaliya lagu soo Celiyo10-kii Wasiir ee horay isku casilay Qodobkaasi oo ka mid ah heshiiskii ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ku soo gaareen dalka Ethiopia.

 

Kala fadhigii ay maanta ku yeeshen mudanayasha Baarlamaanka Soomaaliya xaruntooda magaalada Baydhabo ayeey cod Aqlabiyad ah ku diideen in kadib dood ay maanta ka yeesheen qodobo kaa mid ah heshiiskii ay Madaxda Dowlada.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu cod galiyay kadib dood dheer oo dhex martay mudanayasha baarlamaanka in 10-ka wasiir ee horay isaga casilay xukuumada ay dib ugu soo noqon karaan xukuumada iyaga iyo ku xigeenadii is casilay,waxaana ay dhamaan xildhibanada isku raaceen in aan wax ka mid ah wasiirada aysan ka mid noqon Karin xukuumada.

 

Guudoomiyaha Baarlamaanka oo shir gudoominayay ayaa sheegay ugu danbeyntii sida ay dooda xildhibaanada u dhacday waxaana uu shegay in 15-xildhibaan waxaa ay siiyeen codka kalsoonida wasiirada waxana ka soo hor jeestay 175 xildhibaan waxaana uu sheegay in kala fadhigii uu sidaasi ku dhamada ayna wasiiradii ku waayeen kalsoonida isla markaana ay ansax tahay.

 

Xildhibaanada ayaa waxaa ay u muuqdeen kuwa isku raacsan in aaneey 10-ka wasiir iyo 3-da ku xigeen ka mid noqon xukuumadda waxaana uu jawiga xarunta ahaa mid aad u kacsan oo ay ammaankisa illaalinayeen ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Ethiopian iyo kuwa Booliiska Dowlada KMG Soomaaliya.

 

Dhawaan ayeey aheeyd markii mudanayaasha baarlamanka ay buuq iyo Foowdo ku soo dhaweeyeen madaxda dowlada sida Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Nuur Cadde oo doonayay in ay xildhibaanada Baarlamaanka u sharaxaan wax ay ku soo heshiiyeen waxaana ay dhacdadani noqoneeysaa mid waxba kama jiraan ka dhigeysan qodobadii ay dalka Ethiopia ku soo gaareen masuuliyiintaasi

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.