Ahmedou Ould-Abdallah oo baaq degdega ka soo saaray budhcad badeeda
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan amuuraha dalka Soomaaliya, Axmad Walad-Cabadalla ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay qaado talaabo lagula dagaalamayo burcadbadeeda ka noqotay tusbax afka laga furay gacanka Cadan ee kulaala xeebaha Somalia.
Gacanka Cadmeed ee kulaala biyaha u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa la xaqiijiyey in hada ay soo food saartey xaalad halis ah oo dhanka amaanka ah, taasi oo ay ugu wacan tahay falalkii ugu dambeeyey ee burcadnimo ee dhacay maalmahan oo kaliya.
Sanadkasta 20 kun oo gaadiidka badda ayaa ka gudba Biyo badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen iyagoo uga soo gudbaya Kanaalka marin biyoodka Suweys.
Mawjado isdaba joog ah oo afduub loogu geesanayo gaadiid badeedka adeegsada xeebaha Somalia uuna ugu dambeeyey markab laga lahaa dalka Masar ayaa maalmahaan kadhacay gacanka Cadmeed ee kulaala xeebaha Soomaaliya taas oo kadhigaysa tirada maraakiibta lagu haysto xeebaha Somalia 9 markab iyo dooni nooca dalxiiska ah oo laga leeyahay france.
Xukuumadda FKMG ayaa iyada aan awood u lahayn wax kaqabashada burcadbadeeda ama ilaalinta xeebaha Somalia balse waxay ciidamada DFKG u taag la yihiin in ay xaalada muqdisho ku soo celiyaan amaan rabshadaha socda awgood.
Wuldi C/della waxa uu sheegay in lagaaray xilligii la fulin lahaa qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 1816 oo fasaxaya in xeebaha Soomaaliya laga fuliyo halwgalo ciidan oo lagula dagaamaypo kooxaha burcad badeeda iyo waliba falalka burcadnimada hubaysan.
Gaadiid badeed laga leeyahay dalalka Malaysia , Iran , Masar , France iyo Japan oo tirdooda lagu sheegay 10 markab iyo dooni nooca dalxiiska ah ayaa haatan lagu haystaa xeebaha degmada Eyl waxana maraakiibtaas oo dhami ay u xaiyiran yihiin madaxfurasho lacageed.