HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Ilaa saddex ruux ayaa saacadihii u dambeeyay lagu dilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo dadka la dilay a ku jirtay Haweeney sida la sheegay Gaari lagaga dagay.

Wararka aanu ka heleyno halkaas ayaa tilmaamaya in Kooxo Bastoolado ku Hubeysan ay dilal ka geysteen Deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Carbiska, halkaasoo ah meelaha ay u barakaceen dadka ka cararay Dagaalada Muqdisho.

Dilka 1aad ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Carbiska, halkaasoo sida la sheegay Niman bastoolado ku hubeysan ay Haweeney gaari ka soo raacda Afgooye kala dageen, dabadeedna ay toogteen, waxaana la sheegay in kooxihii falka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale Niman Hubeysan ayaa toogasho ku dilay Nin la sheegay inuu ka tirsanaan jiray Xerada Balli-doogle, kaasoo lagu sheegay Sarkaal dhowaan iska casilay xilkii uu ka hayay Xerada Tababarka ee Balli-doogle.

Dilka sedaxaad ayaa waxaa uu isna ka dhacay deegaanka calamada ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kadib markii ay rag hubeysan rasaas ku fureen nin rayid ahaa uu marayay deegaankaas,waxaana la’ogayn sababta ka dambaysa dilka ninkaasi.

Dilalka ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee muddo 12-saacadood ka dhacay Deegaano u dhow degmada Afgooye, iyadoona habeen hore ay Kooxo Hubeysan toogasho ku dileen Madaxii xerada Agoonta ee Lafoole
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.