HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Iska Hor imaadyo hubeysan ayay saaka ku waabariisatay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo iska hor imaadyadaas oo ahaa kuwo xoogan ay dhex mareen Kooxaha Kacdoonka iyo Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Ethiopia.

Dagaaladan ayaa waxay ka dhaceen Qeybo ka mid ah Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdishoi, halkaasoo ah goobaha ugu badan ee dirirta xoogan ka dhacaan.

Sida ay sheegaaan wararka Dagaaladan ayaa la isu adeegsada Hubka waa weyn oo ay ku jiraan Madaafiicda iyo qoryaha garabka laga rido, waxaana uu yimid, markii Kooxaha Kacdoonka weerar ku soo qaadeen Xerada Xeyla Bariise iyo Warshadii Baastada, halkaasoo fariisin u ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia.

Inkastoo aan la ogeyn qasaaraha labada dhinac kala gaaray, hadana dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoog badan oo hugunka Madaafiicda la isu adeegsaday laga wada maqlay Magaalada Muqdisho oo idil, iyadoo jawiga uu xilligaas ahaa mid degan.

Mid ka mid ah Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in abaarihii 5-ta subaxnimo xilliga salaada subax, ay mar kaliya is wada qabsadeen Hubka cul culus iyo kuwa daran dooriga u dhaca, kaasoo ay isu adeegsanayeen dhinacyadii is dirirayay
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.