HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Rag hubeysan oo Dil ugu Geystay Suuqbacad Askar katirsan Dowlada FKMG

 

Rag ay tiradoodu gaareyso shan nin islamarkaana ku hubeysan bastoolado ayaa waxaa ay dil toogasho ah u geysteen qaar ka mid ah ciidamada Militeriga DFKMG ah ee Soomaaliya ee iyagu dhowantan lagu soo tawabaray Dalka Itoobiya xili ay ku sugnaayeen qeybo ka mid ah suuqa labaad ee Muqdisho suuq bacaad .

Askartan oo ku sugnaa qeybta loo yaqaan islamarkaana lagu iibiyo boilada iyo qalabka gacanta lagu qato ayaa waxaa weerar ku labeegsaday ragan hubeysan waxayna goobtaasi ku taagteen 3 Askari oo ciidamada Dowlada ah .

3dan askari ayaa waxaa ay gebi ahaantoodaba ku nafbaxeen goobtaasi waxaana kooxihii hubeysnaa u suurto gashay in ay qaataan 2 Qori oo askartu wadatay halka Midkii kale ay qaadan waayeen maadaama ay ku soo gaareen Ciidamo Bolis ah islamarkaana Tacshiirad ay dhexmartay .

waxaana la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka Dambeysa in Ciidamada DFKMG ah suuqa gudaha u soo galaan waana markii ugu horeysay oo suuqa kadib markii suuqa dib u habeyn lagu sameeyay ciidamada DFKMG ah Ee Soomaaliya .

Suuq bacaad ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu ahaa mid xasiloon isla markaana lagu aqoon dilalka Askarta iyo weerarada gaadmada ah hase ahaatee waxaa iminkadan muuqata hadii ay ciidamda gudaha usoogalaan suuqa ay jiraan kooxo ku ugaarsada .

Isku soo wada duub oo ragii Dilka u geystay Askarta ayaa waxaa ay u baxdaday dhinacaa iyo wadajirka waxayna ciidamada Policeka waxay howlgal ka sameeyen ayagoo furay tacshiirado kaladuban lamana cid wac ku noqotay .

Waxaana albaabka isugulaaban dhamaanba Goobihii ganacsiga ee Suuq Bacaad  ayadoo ay xirantahay wadada dheer Ee isku xirta isgoyska towfiiq iyo Suuqbacaad.

Max’ed Xuseen Gentleman
 

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.