HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo Bulshada Caalamka La Hadlay

 

Thursday, 07 August 2008

Hargeysa- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sababta ay bulshada caalamku u aqoonsan la’dahay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ku tilmaamay go’aan khaldan oo ay qaateen. Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sababta ay bulshada caalamku u aqoonsan la’dahay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ku tilmaamay go’aan khaldan oo ay qaateen.

Weriye Richard Lough oo ka tirsan Telefiishanka iyo Idaacadda Deutchs welle oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka, ayaa habeen hore baahiyay warbixin dheer oo uu ka diyaariyay guud ahaan wadanka Somaliland oo uu dhawaan booqasho ku yimid. Weriyahan oo dhex maray suuqyada iyo jidadka kala duwan ee magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay in ay Somaliland ka jirto xasilooni taam ahi, halka ay Somaliya weli ku jirto qalalaase siyaasadeed. Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo uu weriyuhu ku tilmaamay inuu yahay nin bulshaawi ah oo furfuran ayaa saxafigaas u sheegay in dadkiisu yihiin dad samir badan, “Waxaad la socota in aanu ku jirno xaalad xun, maxaay yeelay calaamku waxa uu qaatay go’aan sharciyan khaldan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Daair Rayaale Kaahin, waxaanu xusay in dalkiisu buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madaxbanaan, “Waanu buuxinay dhammaan shuruudihii qaran lahaa, horena waanu u soconaa. Waxaanu noqonay dad samir leh oo isku dayaya ina ay ka dabaashaan xaaladan.”  Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.

Weriyuhu, waxa uu ka waramay midnimadii sannadkii lixdankii dhex martay Somaliland iyo Somaliya, oo uu ku tilmaamay inay noqotay mid aan la mahadin, waxaanu xusay in Somaliland dib ula soo noqotay xoriyadeedii, waxaanu dagaaladaas Somaliland kula soo noqotay xoriyadeeda tusaale ugu soo qaadanayaa diyaaradda ka midka ah kuwii ay dawladii Siyaad Barre Hargeysa ku duqaysay ee astaan ahaan u sudhan badhtamaha Hargeysa.

Weriye Richard Lough, waxa uu sheegay in miisaaniyadda dawladda Somaliland ee sannadkani u dhigmaysay 30 Milyan oo Euro, laakiin waxa uu sheegay in caasimadda Hargeysa laga dhisayo guryo dabaqyo dhaadheer ah, isaga oo xusay in macradada Hargeysa ee baabuurta lagu kireeyo amaba lagu iibiyaa  ku tartamaan dhinaca qiimaha.

Qurbo jooga Somaliland ayuu weriyuhu sheegay inay sannadkii wadanka u soo xawilaan saddex boqol oo milyan oo Dollar, si ay wadankooda u dhisaan. Hase yeeshe weriye Richard Lough, waxa uu sheegay inay wadanka ka jiraan ceebo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin musuq maasuqa iyo dawladda oo doonaysa inay aamusiiso mucaaradka iyo saxaafadda, “Taas oo bedelaysa.” Ayuu yidhi, “Kalsoonida Dimuqraadiyadda Somaliland.”

Source: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.