Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Balli-Doogle iyo Deegaanka Yaaqbari-weyn, halkaasoo wadada loogu galay Ciidamo Ethiopian ah oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo.
Dagaalkan oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa wararka laga helayo Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose waxay sheegayaan in qasaare xoogan uu soo gaaray Ciidamada Ethiopianka, markii ay galeen meel ay Xoogaga ka soo horjeeda ku sugnaayeen, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isu adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Ethiopianka halkaas looga gubay Labo Gaari, waxaana aan la ogeyn tirada askarta kaga dhimatay weerarada is xiga ee maanta ku qabsaday inta u dhaxeysa Balli-doogle iyo Yaaqbari-weyne.
Ciidamada Ethiopianka ayaa la sheegay in ay halkaas ku laayeen Dad rayid ah oo ahaa beeraley iyo xoolo dhaqato, kuwaasi oo ay toogasho ku dileen, waxaana la sheegay in ilaa saddex ruux ay Ciidamadu dileen.
Kolonyada Ciidamada Ethiopianka oo habeen hore ka tagay Magaalada Muqdisho ayaa noqoneysa markii 4aad oo ay weeraro ku qaadaan Xoogaga ka soo horjeeda, inta ay ku guda jiraan safarkooda ku wajahan Magaalada Baydhabo, waxaana saddexdii weerar ee u dambeeyay Ciidamada looga dilay tiro askar ah gawaarina loogu gubay, markii lala helay Miinooyinka qarxa ee la geliyo dhulka hoostiisa.
Dhanka kale waxaa gebi ahaanba xiran wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo aheyd mid xirantay tan iyo maalintii shalay, markii wadada loo galay Ciidamadaas, mana jirin wax gaadiid ah oo maanta isaga kala gooshay Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho