HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogan oo maanta laga dareemayo qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Posted: 8/25/2008 2:53:00 PM

 

Dhaq dhaqaaq Ciidan oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa deegaanno katirsan Gobolka Gedo.

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in tuulooyin katirsan Gobolkaasi iyo qaar kamid ah Degmooyinka Gobolkaasi ay kajiraan Dhaq dhaqaaqyo Ciidan kuwaasi oo ay wadaan xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo saraakiil ay isku fikir yihiin iyo dhinaca kale xoogaga kasoo horjeeda Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.

 

Dhaq dhaqaaqyadani oo ka kala socda Magaalada Baardheere iyo tuulada faxfax dhuun oo 80-KM kala fog ayaa ayaa waxa ay sheegayaan inay yihiin kuwa labada dhinac ay ugu diyaar garoobayaan sidii dhinacba dhinaca kale uu isaga difaaci lahaa sida wararka halkaasi ay ka heleyso shabelle ay sheegayaan.

 

Xildhibaan Barre Hiiraale iyo saraakiil katirsan Maamul beeleedkii Magaalada Kismaayo ka ariminjiray magaalada Kismaayo iyo xubno shalay illaa iyo xalay ku biiray oo iyaguna katirsanaa maamulkii dooxada Jubba oo ka kala tegay deegaano katirsan Gobolka Gedo ayaa lasheegay in ay kusugan yihiin tuulada Faxfax dhuun waxaana dadka deegaanka ay ku waramayaan inaanay suurtagal aheyn in xubnahaasi ay kusii sugnaadaan tuuladaasi oo sida lasheegayo ah meel biyo la’aan baahsani ay xilligani ay kajirto isla markaana ay dadkii horey u deganaa ay uga carareen halkaasi biyo la’aan halkaasi oo uu kajiro hal ceel oo biyihiisu ay yihiin kuwa aad u qaraar ah, waxaana lasheegayaa Xildhibaanka iyo Xubnaha lasocda oo wada dad kudhaawacmay dagaaladii ay kulagaleen deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose Ciidamada kasoo horjeeda dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah ay halkaasi kuleeyihiin shirar kala gooni gooni ah.

 

Dhinaca kale degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa shalay iyo saaka waxaa gaarayay Ciidamo katirsan Xoogaga kasoo horjeeda Dowladda KMG ah iyo Ciidamada Itoobiyaanka waxaana saldhigyo ay ka sameysteen meelo ay kamid tahay Xarunta ADC-da ee Magaalada Baardheere inkastoo halkaasi aanan laga dareemeynin wax kabaxsan in ay kusugan yihiin gudaha Magaalada ayaa hadana dadka kusugan qaar kamid ah Degmooyinka Gobolkaasi waxa ay dareemayaan cabsi baahsan iyagoo ku baaqay in lajoojiyo dagaalo lagu dul dagaalamo xilli halkaasi ay kusugan yihiin dad fara badan oo isugu jira kuwa ay waxyeeleeyeen abaaraha iyo sicir bararka kajira gudaha Dalka Soomaaliya iyo kuwa ka barakacay gudaha magaalada Muqdisho.

 

Qaar kamid ah Odayaasha Gobolka Gedo ayaa iyana waxa ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo Nabaddoon ah oo ay doonayaan in labadan dhinac ay kaga dhaadhiciyaan sidii Gobolkaasi aanay ugu dagaalami laheyn isla markaana la badbaadiyo dadka rayid ah oo xilligani la daalaa dhacaya colaado iyo abaaro dabadheeraaday oo ka taagan Dalka Soomaaliya
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.