Afhayeenka Madaxtooyad S/Land Ayaa Beeniyay War Sheegaya In Wasiirka Maaliyada Xilka Laga Qaaday
Afhayeenaka Madaxtooyada Somliland Siciid Cadaani Mooge ayaa shir jaraa’id oo caawa uu ku qabtay Qasriga Madaxtooyada waxa uu ku beeniyaya war maanta lagu baahiyay shabakadaha wararka Qaarkood iyo suuqyada dalka, waxaanu shirkaa shiraaji’d ee uu qabtay ku beeniyay warkaas waxaanu yidhi “waxa weeyi war beena oo la qaybiyey oo si foojari ah beena ah magacayga iyo magaca inanka ila shaqeeya ee Riyaad isagana laga been abuuray warkaasi waxa uu leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyada S/land waxa uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Maaliyada Cawil Cali Ducaale” qofka maanta Warsaxaafadeedka waxa u ku qoray Magacayga Siciid Cadaani Mooge iyo Riyaad Emailkiisa oo isna la Foojariyeeyay warkaasi waxa ula jeedadiisu tahay in fawdo iyo qalalaase lagu abuuro dalka.
Maaha markii ugu horaysay ee war noocaas oo kale ah oo foojari ah oo beena nalaga sameeyo, lakiin waxaanu idiin sheegaynaa inaan arinka intaa lagaga hadhayn oo xukuumadu laamaheeda nabadgelyada qaabilsan ay dabagal ku sameeyaan”
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Riyaad oo ah Kaaliyaha Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland waxaanu sharaxaad ka bixiyey qaabkii loo been abuuray waxaanu yidhi “waxaan halkan ka cadaynayaa in warsaxaafadeedkii lagu baahiyay Websitada qaarkood inuu yahay been abuur iyadoo Emailkayga lagu foojari gareeyay.
Emailka aan saxaafada warka ugu diraa waa Riyaad123@hotmail.com halka Emailka Foojarigi yahay Riyaad123@hotmail.co.uk