Hargaysa (Waaheen) Weftiga ka socda Shirkadda shidaalka ee Asante Oil ayaa Somaliland soo gaadhay shalay iyada oo la filayo inay heshiis la galayso xukuumadda Somaliland, iyada oo hore u iibsatay macluumaadka kal hore shirkadda TGS-Nopec ee Norway ka samaysay dhulka Somaliland. Hadaba waxaanu halkan idiinku diyaarinay macluumaad la xidhiidha Asante Oil oo la asaasay February 2008 lagana diiwaangeliyay magaalada
London. Waxa ka Guddoomiye ah ciyaartooyga kubadda cagta Christian Eidem oo isagu leh 11%. Nin kale oo isna Norwegian ah oo hore u ahaan jiray suxufi ciyaaraha waxa ka qora oo la yidhaado Kjetil Siem. Siem wuxuu maamule ka ahaa kooxda Valegenera ee Norway imikana waxa uu ka madax yahay naadiyada kubadda ee South Africa ee Premier Soccer League. Waxa shirkadda 17% ku leh Riulf Rustad, Guddoomiyaha shirkadda Zoncolan SA. Isna waxa wax ku leh nin Norwegian oo hore madax uga ahaa Statoil Hydro qaybta Libya. Hase yeeshee waxa qaybta ugu badan oo ah 40%
Asante
leh Kjell Rokke oo mulkiilaha shirkadda weyn ee Aker. Kjell waxa uu lacagtiisa ka sameeyey dalka Maraykanka oo uu ku lahaa shirkad kaluumaysi.
Weftiga ka socda shirkadan waxa dalka shalay ku soo dhaweeyey agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo Biyaha, balse ilaa hadda Xukuumadu si rasmi ah war ugamay soo saarin weftiga shirkadan iyadoo ay hore u jireen shirkaddo kale oo heshiis xukuumadu la gashay oo muran ka taagnaa.