Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay shirka Jabuuti
wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in hadana shacabkii loogu sii daray xasuuq iyadoo markoodii horena laga

Asmara:- Sheekh Xasan Daahir oo dhowaan garabka Isbaheysiga Dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay magaalada asmara ee dalka Ereteriya ugu doorteen inuu Guddoomiye u noqdo ayaa xalay isagoo u waramayay saxaafada waxa uu ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ka socda dalka Jabuuti iyo kulamada ay yeelanayaan garabka kale ee Isbaheysigaasi iyo Dowladda Federaalka ayaa cambaareeyay shirkaasi iyo waxyaabaha ka soo baxaba.
Sheekh Xasan Daahir waxa u sheegay in shirka ka socda dalka Jabuuti uu yahay shirqool shacabka Soomaaliyeed loo dhigayo, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in hadana shacabkii loogu sii daray xasuuq iyadoo markoodii horena laga barakiciyay degaanadii ay degenaayeen.
“Haddii wanaag naloo diiday waan ku qasbanahay dagaalka waan ku qasbanahay” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in dhinacooda tallaabada ay qaadayaan ay tahy oo kaliya inay la dagaalamaan ciidamada Itoobiyaanka, isagoo meesha ka saaray in gebi ahaanba in wax heshiis uu dhex maro dhigooda kale ee Isbaheysiga Dib u xoreynta fadhigoodu yahay dalka Jabuuti.