HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Saddexda Mas'uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa maanta u ambabaxay Dalka Ethiopia, kadib markii Xukuumada Addis Ababa u yeertay.

Socdaalkan ayaa in ujeeddadiisa ugu weyni ay tahay in la dhex dhexaadiyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Nuur Cadde oo khilaaf hada meel xun marayaa uu u dhexeeyo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ay diyaarad ka wada qaaday Soomaaliya, taasi oo la sheegay in Dowladda Ethiopia soo dirtay.

Madaxda Dowladda waxaa la filayay inay shalay iska xaadiriyaan Magaalada Addis Ababa, hase ahaatee waxaa ku yimid dib u dhac aan la ogeyn sababta keentay.
Dowladda Ethiopia oo ah saaxiibka koowaad ee Dowladda Federaalka, waxay awoodaa inay soo afjarto khilaafka xaga sharciga awoodaha ee u dhaxeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Waxaa iska cad in marka ay labada mas’uul tagaan Magaalada Addis Ababa in Dowladda Ethiopia midkood ku qancin doonto in uu tanaasul ka muujiyo mowqifka uu ku dhegan yahay, iyadoo taasina ay horay u sameysay Dowladda Itoobiya mar ay sidan oo kale isu qabteen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Geeddi, oo tanaasulaad uu sameeyay uga taga xilkiisii.

Khilaafka Labada Mas'uul oo soo if baxay kadib markii ay is casileen wasiiro ka tirsanaa dowladda, sababo la xiriiray xil-ka-qaadistii uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaaruhu inuu ku sameeyey Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, taasi oo wasiiradu ay ku tilmaameen in aysan dastuurka waafaqsanayn
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.