HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Iyadoo dhawaan la magacabay Guddi Maamula Maamulka Gobolka Banaadir iyo diyaarinta doorashooyinka Golaha degaanka Maamulka loo dhisi doono Gobolka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaab dhismeedka Gobolka uu noqon doono 4.5 oo ah qaabka ay ku dhisan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

In kastoo dooda arrintan ka imaan doonto lugaha la geli doonta Siyaasad qasabta in ay adkaato howsha diyaarinta doorashooyin ku yimaada Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa haddana qaar ka mid ah Madaxda dalka oo uu ka mid yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxay doonayaan in qaab dhismeedka nidaamka cusub ee Gobolka Banaadir beelaha Soomaaliyed ay ku qeybsadaan 4.5 taas oo ah nidaamkii wax qeybsiga Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha guddiga KMG ee dhawaan loo magacaabay gobolka Banadir, Ibraahim Sh. Muxudiin, ayaa ka gaabsaday kaalinta uu hab-qaybsiga 4.5 ku yeelanayo maamulka cusub ee gobolka Banaadir.

Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sheegay in guddiga dhawaan lasoo dhisay ee ka kooban 12-ka xubnood, ay goor dhow ka tashan doonaan kaalinta uu hab-qaybsiga 4.5 ku yeelanayo Gobolka Banadir.

Guddiga durba waxaa saaran cadaadis kaga imaanayo Beelaha degan Gobolka oo qaarkood ka hor imaan doonaan sida muuqata nidaamka 4.5 in wax lagu qeybsado.

BEESHA MUDULLOOD

Beeshan oo ka mid ah beelaha waa weyn ee Hawiye inta badan waxau is xijisaa lahaanshaha dhulka baaxada weyn ee ka kooban yahay Gobolka Banaadir waxayna doonaysaa in ay isku hesho Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho lagamana yaabo sida ay yiraahdeen odayaasha beeshaas inay ku qancaan wax ka yar Labadaas jago inay ka helaan maamulka, meeshaas ayaa waxay noqon doontaa su'aasha adag ee soo wajihi doonto taageerada Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo isagu beeshaas ka dhashay balse haddii labadaas kursi beesha weyso isma haystaan Nuur iyo Beesha taageeradeeda.

H/GIDIR

Dad badan ayaa qaba in beesha H/gidir ay horsed u tahay kacdoonka siyaasadeed ee lagaga soo horjeedo siyaasadda Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, dad kale ayaa aaminsan haddii aysan beeshan awoodo badan ku yeelan dhismaha gobolka banaadir ama aysan helin duqa Muqdisho ama Guddoomiyaha Golaha degaanka wixii la dhiso ay noqon doonaan hal bacaad lagu lisay.

MURUSADE

Ka sokow beesha mudullood beeshan murusade waxay qabtaa in ay tahay beesha labaad ee lagu tixgeliyo gobolka Banaadir ay tahay, sidaas darteed kaalinta Beeshan Dhismaha Maamulka Gobolka Banaadir waa mid cad, waxay doonayaan in haddii Abgaal qaato Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,H/gidirna hesho Guddoomiyaha Golaha degaanka iyadana ay u baahan tahay inay hesho Duqa Magaalada Xamar, waa qorshe ah 3-da jago oo ugu sareysa Maamulka Gobolka aan wada qaadano 3=deena beelood.

BEESHA REER XAMAR

Waa iska cadahay in beeshan ay tahay beel nabadeed oo aan wax lug ah ku lahayn dagaaladii dalka ka dhacay iyo nidaam la'aanta ka jirta Caasimadda dalka, sidaas darteed beeshan xaq weyn ayay ku leedahay maamul kasta oo Gobolka Banaadir loo dhisayo, waana in lagu tixgeliyaa awoodaha sare ee Maamulka ama xubnaha ugu waa weyn.

HAWIYAHA INTIISA KALE

Ma cago badna kaalinta ay ku yeelan doonaan dhismaha Gobolka Banaadir Hawiyaha intiisa kale waxaaba dhici karta in tiro yar oo xubno ah ka helaan Maamulka sida xubnaha golaha degaanka oo kale, kumaba jiraanba orodka ay ku wada jiraan beelaha abgaal, H/gidir iyo Murusade, waase dhici kartaa in ay wax is bedelaan.

BEESHA DAAROOD

Ugu yaraan beeshan Maamulka Gobolka banaadir waxay ka heli doontaa sida uu qorshuhu yahay kuxigeenada Guddoomiyaha Gobolka ama kuxigeenada Duqa magaalada iyo xubnaha Golaha degaanka, waayo kii hadda la riday waxay ku lahaayeen mid ka mid ah kuxigeenada Maxamed Dheere oo lagu magacabi jiray Cabdi Xaashi Liibaan oo beesha Majerteen u dhashay.

D/MIRIFLE

Saadasho meel hoose ayay kaga jiraan maadama beeshan hogaankeeda sare ee dhinaca Siyaasadda ay yihiin kuwo aad u liita oo aan lahayn faham dheer oo meel fog wax ka arkaya, waa dhici kartaa inay hesho xubno ka tirsan golaha degaanka ama xilal kale laakiin dooda taagan xilligan meel hoose ayay kaga jiraan
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.