Dowladda Maraykanka oo si ku meel gaadh ah u joojisey Soomaalida ku nool dalkaasi ee u dacwoonaya qoysaska ka maqan.
Arintan ayaa saameyn xogogan ku yeelatay kumanaan Soomaalida ku nool dalka

Wasaaradda arimaha dibeda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in si ku meel gaadh ah loo joojiyey qaxootiga horey loo dejiyey dalkaasi ee dalbananaya in loo soo qaado ehelada ka maqan ee jooga meelihii ay ka soo hayaameen oo ay ka mid tahay Somalia, Itoobiya iyo meelo kale, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in intooda badan ay sheegtaan una soo dacwoodaan dad aanay isku qoys aheyn.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in baadhitaano lagu sameeyey qaar ka mid ah dadkaasi oo Soomaali u badan lagu ogaaday in aanay isku qoys aheyn dadka ay doonayaan in loo soo qaado ee jooga dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxayna wasaaradu tusaale u soo qaadatay baaritaan dhinaca DNA-da ah oo lagu sameeyey illaa 5000 qoys lagu ogaaday in in 20% oo kaliya ay sax noqdeen, halka intaa kalena ay dhalasho ahaan ku guuldareysteen iney is yeeshaan.
Wasaarada ayaa sheegtay in markii ay aragtay natiijadaasi naxdinta leh ay go’aan ku gaadhay iney si ku meel gaadh ah loo joojiyo qaxootiga ku nool dalka Maraykanka oo Soomaaliduna ay ku jirto, kuwaa soo dalbanaya inloo soo qaado dadka eheladooda ah ee ka maqan, inta bay tidhi laga helayo qorshe lagu bedelayo waxna lagaga qabanayo been abuurka noocan ah, kaasoo ay sheegtay iney ka wada tashan doonaan wasaarada amniga ee dalka Maraykanka.
Arintan ayaa saameyn xogogan ku yeelatay kumanaan Soomaalida ku nool dalka Kenya kuna jira xeryaha dalkaasi kuwaasoo u diyaarsanaa in loo duuliyo dalkaasi maraynkanka ka dib markii ay u soo dacwoodeen hore dadkoogii loo geeyey dalkaasi, kuwaasoo haatan sii joogi doona illaa muddo aan la ogeyn, waxana xitaa go’aankani u saameyn ku yeeshay qoysaska DNA-da laga qaaday ee dhalasho ahaan sax noqday, kuwaasoo iyaguna sugaya inta go’aan kale uu ka soo baxayo dalka Maraykanka.