HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Shaybaadhkii Caafimaadka Xoolaha Somaliland oo La Xaday

 

Hargaysa  Warar lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyey in Isniintii dhaweyd ee Toddobaadkan la xadday Shaybaadhkii xoolaha ee yaalay Xarunta Shaybaadhka ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Hargaysa. ilaha warkan aanu ka helnay ayaa intaa ku daray in afar qof oo ka tirsan hawlwadeenadii ka hawlgeli jirey xaruntaas Xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo uu ka mid yahay madaxii shaybaadhka Xasan Isaaq iyo laba farsamayaqaanadii shaybadhkaas oo la kala yidhaa Mustafe iyo Saleebaan iyo weliba dhakhtar xoolaha ah oo la yidhaa C/llaahi Aadan (Xaaji Maafiya) oo Wasaarada  u qaabilsan hayadda FAO.

Hadaba falkan tuugada ah ee lagu xaday shaybaadhkaas oo aanay ilaa hadda xukuumaddu wax war ah ka soo saarin waxa la sheegay inuu dhacay goor habeenimo ah oo aanay wasaaradda cidi joogin, balse sida la tuhunsanyahay waxa la sheegayaa in loo adeegsaday gaadhi ay leedahay hay’adda VET-AID oo goor habeenimo ah yimid xarunta wasaaradda Xanaanada Xoolaha illaa hadana sida lla sheegay Bilaysku ay ku daba jiraan raadcadiisa. qiimaha shaybaadhka la xadday ayaa qiimihiisa lagu qiyaasay lacag dhan,affartan kun oo dollaar($40,000)kaas oo wax badan ka taray muudadii uu yaalay baadhitaanka xoolaha nool ee dalka, isagoo wasiirka xanaanada xooluhu hore ugu tilmaamay inuu kafaala qaadi karo baadhitaanka caafimaadka Xoolaha ee bariga Afrika oo dhan, waxaanu nooca loo yaqaan Auto- Graph oo lagu baadho noocyada xanuunada Xoolaha oo dhan, waxaana wehelinayey oo lala xaday Microscope ama weynayso qayb ka ahaa adeegyada lagu baadho caafimaadka Xoolaha.

(Waaheen)

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.