HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Itoobiya oo ugu baaqday madaxweyne Yuusuf inuu u hogaansamo go’aankii ka soo baxay golaha wasiirada DF ee xilka looga qaaday Max’ed Dheere

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha dalka Somalia Jen. Gabre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde) ee ka dhashay xil ka qaadistii xubnaha golaha wasiirada ee xukuumada RW Nur cadde ay ku sameeyeen guddoomiyihii gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere), kaasoo uu ku gacan seyray madaxweynaha Somalia.

Sida ay qortay shababaka wararka ee Al-jazeera.net, Jen. Gabre ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somalia inuu u hogaansamo go’aanka ka soo baxay xubnaha golaha wasiirada ee xukuumada Somalia kaasoo xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir, kaasoo Gabre uu sheegay inuu ku yimid rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana gacan ka geysanaya sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaalada ay dagaaladii aafeeyeen ee Muqdisho
Jen. Gabre ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhex galay mas’uuliyiinta sare ee xukuumada Somalia uu caqabad ku noqon karo heshiiskii ay dhowaan ku kala saxiixdeen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti DF iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda, waxaana warar ka madax banaan Al-Jazeera oo aanu ka helnay saraakiil ka tirsan ciidamada DF oo magacoda diiday in la soo xigto ay sheegayaan in Jen. Gabre iyo sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ay maanta ka soo degeen garoonka dayuuradaha Muqdisho, iyagao haatana kula leh xarunta madaxtooyada Villa Somalia madaxweyne Yuusuf, iyagoo doonaya iney ku qanciyaan sidii uu u aqbali lahaa xilka ka qaadista lagu sameeyey Max’ed Dheere
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.