| Dawlada Federaalka Iyo Isbaheysiga Dib U Xoraynta Garabka Jabuuti Oo Heshiis Kala Saxiixday. Warkaan waxaa saxaafada u soo bandhigay xubno ka tirsan dhinacyada ku shirsan dalka Jabuuti waxuuna heshiiska ka kooban yahay dhowr qodobo kuwaasi oo dhinacyada siyaasadu ay isku afgarteen qodobada ay ku heshiiyeen oo dhowr dhinac ayaa waxaa ka mid ah guddiyada siyaasada labada dhinac ay yeeshaan kulamo bile ah oo la qoondeeyay in ay ka dhacaan dalalka Jabuuti iyo kenya hadii ay suurta gasho ay ku shiraan gudaha magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale qodobada ay isku afgarteen guddiyada kala matalaya dowlada KMG iyo isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waxaa ka mid ah in fursad la siiyo dadka ka shaqeynaya howlaha gar gaarka si ay u sii wadaan in ay Caawiyaan dadka barakiciyay dagaalada iyo dadka abaaruha iyo sicir bararka ku wax yeeloobay.
Guddiyada labada dhinac ayaa waxa ay isla fahmeen in arimaha siyaasada si wada jir ah looga Shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo is dhax galka Bulshada oo ay sheegay in labada dhinaca ay muhiim ay tahay in in ay gacan ka geystaan sidii ay hormar u sameyn lahaayeen ariomaha dib u heshiisiinta ee hadda lagu howlanyahay.
Guddiga siyaasada ee dowlada KMG iyo Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ee ku shirsan dalka Jabuuti kana kooban min 9 Xubnood ayaa sidoo kale waxa ay aqbaleen codsi kaga yimid dhinaca QM oo lagu dalbanayay in la kordhiyo gudiyada labada dhinac oo la gaarsiiyo min 15 Xubnood ugu badnaan ugu yaraan ay ahaadaan min 9 Xubnood
Heshiiska ay shalay gaareen guddiyada ku shirsan dalka Jabuuti ayaa waxaa la filayaa in maanta loo qabto xaflad balaaran oo la doonayo in labada dhinac ay qalinka k wada duugaan.
Guddiyada ka kooban min 9 xubnood ee kala matalaya dowlada KMG iyo isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya oo ay kala hogaaminayaan Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dowlada KMG Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah isbaheysiga dib u Xoreynta ayaana aheyn kuwo wili Saxaafada loo soo bandhigay hasa ahaateen waxaa soconaya qorshe la doonayo in lagu dhameystiro qodobada qaar lagu dhameystiro.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay guddiga amniga oo ah kan inta badan arinta ay hortaalo maadaam ay ka doodayaan arimaha dinaca amniga oo ah kuwa ay ka taagan tahay dhibaatada ugu xoogan gudaha dalka Soomaaliya
1 In la sameeyo labo guddi oo ka wada hadli kara arimaha ay wada gaareen dowlada iyo isbeheeysiga gaar ahaan heshiikii Jabuuti.
2 In la sii wado wadaxaajoodka u dhexeeya labada dhinac lagana fogaado warsaxaafadeedyo sii fogeyn kara dhibaatada taagan iyo in la sameeyo gudiyo sii anba qaada arimaha lagu soo gabagabeeynayo.
3 In la taageero heeshiisyada ay dhinacyada Soomaalida ku yeelanayaan gudaha dalka iyo dibadiisa si loo dhameeyo mishaakilka dalka ka aloosan, iyo in Beesha Caalamka ay gacan ka geeysato hirgalintii heshiikii Jabuuti.
4 In si wada jir ah loo canbaareeyo falalka dilalka ah ee aan kala sooca leheyn,afduubka,kufsiga,madaafiicda lagu garaacayo magaalooyinka iyo Burcad Badeedanimada.
5 In si gaar ah loo eego xaalada Bini’aadanimo ee dalka ka jirta iyo sidii loo cawin lahaa dadka ay dhibaatada dalka ku heyso.
6 In la daraaseeyo xaalada Wadanka ka jita sida Siyaasada Ammaanka iyo Nolosha.
Baaqyada.
In Beesha Caalamka ay ill gaar ah ku eegto isla markaana ay gargaar u fidiso dadka ku dhibaateeysan dalka Soomaaliya iyo in la furo wadooyinka iyo sidii gargaar ay hay’adaha samafalka u gaarsiin lahaayeen dadka u baahan.
In Beesha Caalamka ay ku dadaasho oo ay ku deg degto sidii dalka Soomaaliya loo keeni lahaa Ciidamo ka socda QM si ay u badalaan Ciidamada Ethiopia.
Mahadcelin
Labada Dhica waxaa ay uga mahad celinayaan shacabka iyo Dowlada Jabuuti sida ay hiil iyo hooba u garab istaagtay intii uu socday shirkii ay isugu yimaadeen Dowlada iyo Isbeyheesiga Dib u xoreeynta.
Ugu danbeyntii waxaa ay labada dhica sheegeen in ay ka go’antahay in ay beesha caalamka kala hadlaan sidii loo sii anba qaadi lahaa heshiiskaasi iyo sidii ganac looga geysan lahaa hirgalinta Heshiiskaasi ay wada gaareen labada dhinac.
Heshiiskaasi waxaa labada dhinac u wada saxiixay Dhanka dowlada KMG Soomaaliya Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Dowlada KMG Soomaaliya Axmed C/salaam Xaaji Aadan dhanka Isbeheysigana waxaa u saxiixay C/raxmaan C/Shakuur warsame Waxaana munaasibada Heshiikaasi lagu saxiixayay goobjoog ka ahaa Cumar Xaashi Aadan oo ka socaday Dhanka isbeheysiga iyo Max’ed Max’uud Xeyd oo dhanka Dowlada ka socday.
Xaafiiska Warqabadka Allwadani Somalia |