Meydadka
Labo nin
oo
dhalinyaro
ah ayaa
waabarigii
saaka
laga
helay
Guri ku
yaal
Degmada
Dharkeenley,
kuwaasoo
sida la
sheegay
ay
gowracnaayeen.
Labadan
Nin ayaa
ahaa
kuwo
ilaalo
ka hayay
Guriga,
waxaana
lagu soo
waramayaa
in xalay
gudaha
loogu
galay
gurigii
ay
degenaayeen,
deetana
la
bireeyay
sida ay
ku
warameen
dadka
deegaanka.
Waxaa
saaka
isugu
soo
baxay
dhacdadan
dadweyne
aad u
fara
badan oo
deegaanka
ah,
kuwaasoo
xaalad
naxdin
iyo
murugo
ku
tilmaamay
falka
lagula
kacay
labadaas
dhalinyaro
oo
jirkooda
aan ka
muuqan
haba
yaraatee
wax
rasaas
ah,
marka
laga
reebo
gowrac
ka
muuqata
qoortooda.
Lama oga
cida ka
dambeysa
dilka
labadan
nin iyo
sababta
la dilay,
laakiin
dadka
deegaanka
ayaa
isla
dhex
maraya
hadalo
kala
duwan,
waxaana
goobta
meydkooda
markii
dambe
soo
gaaray
ehelada
ragaas
oo
qaatay
Meydkooda
si ay u
aasaan