HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Wadaadka caanka ah Sheekh Xasan Cabdala Xirsi (Sheekh Xasan Turki) ayaa markii u horeysay ka hadlay Dagaaladii Kismaayo ku qaadeen Kooxaha Islaamiyiinta, isagoo sheegay in Koox ka mid ah Mujaahidiinta ay dagaalka bilowday, iyagana ay kala qeyb qaateen.

Sheekh Xasan Turki oo ka mid ah Raga Liiska ugu jira Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Qorshaha Muhaahidiinta uu ahaa in aan Maamul la dhisin tan iyo inta Dalka laga saaray Askariga Ethiopianka, isagoo xusay Maamulka ay u dhiseen Kismaayo ay uga sameeyeen uu yahay mid dhiig joojin ah oo ay doonayaan in xaaladu aanay fara ka bixin.

Isagoo ku sugan Magaalada Kismaayo ayuu u waramay Idaacada BBC-da waxaana uu ka hadlay arrimaha Maamulka Islaamiga ah ee uu tashwiishka ku jiro, waxaana uu tibaaxay in Maamulka ay u dhiseen Kismaayo uu yahay mid dhiig joojin ah, isla markaana ay taleefano isaga soo daba dhacayaan oo ku aadan qaabka loo dhisay Maamulka.

Waxaa uu meesha ka saaray in wax u dhiseen qaab qabiil, hase ahaatee ay maamulka u wada simeen Mujaahidiinta oo dhan, wuxuuna sheegay in dadka oo dhan ay yihiin walaalo, isla markaana aysan ku saleyn maamulkooda nidaamka 4.5

"Islaamka Hargeysa ku dhashay iyo Kan Muqdisho ku dhashay waa isku mid, Kismaayana waxaa u dhisay Maamul Islaami ah oo dhiig joojin ah"ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo hadaladiisa laga dareemayay inuu mas'uuliyad xoogan ku lahaa dhisamaha Maamulka Islaamiga ee Kismaayo loo magacaabay, kaasi oo ay markii dambe ka soo horjeesteen Maxkamadaha Islaamka.

Sida ay sheegayaan wararka Maamulka Kismaayo ayaan loo magacaabin shaqsi u dhashay Magaalada, waxaase la sheegayaa in shaqsiga madaxa looga dhigay Magaalada uu ka soo jeedo Magaalada Hargeysa, wuxuuna sheekhu sheegay in qofka Hargeysa ku dhashay iyo kan ku dhashay Muqdisho ay wada siman yihiin, isla markaana Mu'miniinta oo dhan ay walaalo yihiin.
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.