Dagaalo Qaraar oo shalayto ila iyo Xalayto ka dhacayay Magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dhowaantan lagu Soo Tawabaray Dalka Itoobiya iyo Ciidamada Dowlada Itoobiya oo isgarabsanaya iyo Xoogaga Huneysan ee ka soo Horjeeda siyaasada Dowlada iyo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya Waxyna Weerar Dubeyna ku Qaadeen Fariisimada Ciidamda Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay ku kala leeyihiin Xiradii hore Ee Asluubta Wasaaradii hore Ee Gaashaandhiga iyo fariisimo kale.Weerarkan ayaa isku bedelay Dagaal fool kafool ah kadib markii Kooxaha Dowlada ka Soo horjeeda ay gaareen Fariisimada Ciidamada Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMG ah .
Waxaa dhex maray dagaal aad u qaraar oo soconayay mudo ka Badan Halsaac Waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kalagedisan .
Dagaalku markii uu si toos ah u istaagay ayaa Waxaa bilaabatay duqeyn madaafiic ah oo socotay ilaa iyo xalay fiidnimadii taas oo la gu garaacayay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqdisho .
Madaafiicdan oo aheyd mid laqeybinayay ayaa inta la Ogyahay waxaaku geeriyooday ilaa iyo 6Qofood in ka badan 12Qofna Waa ay ku dhaawacmeyn .
Mid ka Mid ah Madaafiicdii latuurayay ayaa waxaa uu ku Habsaday Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Caanaha halkaasi oo uu dhaawac ugu Geystay ilaa iyo Dad Gaaraya 6Qof kuwo kalena waxay ku dhaceen meelo kale oo ay degenyihiin dad rayid ah sida Xaafada Suuqa Xoolaha xaafada Sanca Ee Degmada kaaraan juungal iyo Deyniile iyo Deegaano kale oo Farabadan kuwaas oo Madaafiicdu ay si talantaali ah ugu dhacayeen .
Sikastaba ha ahaatee arimahan ayaa waxay imanayaan xili shalayto dil loo geystay taliyihii ciidanka soomaalida gaar haan kuwoo lagu soo tawabaray dalka itoobiya Axmed cali catooyo oo shalayto calamada kooxaha dowlada ka soo horjeeda Bam kula beegsadeen.
Isku soo wada Duub oo Dagaaladan xoogan Eek u soo kordhaya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa Waxay muuqataa in Xubnaha Dowlada kazoo horjeeda ay Soo Laba Jibaareen Weeraradii ay ku Hayeen Ciidamada isgarabsanaya Ee Dowlada Somaaliya iyo kuwa Itoobiya