Borama--Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Axmed Aw Cabdi Xasan oo ay weheliyaan Dr.Cismaan Yuusuf Magan iyo Dr.Cumar C/laahi Cige oo ka tirsan jaaliyada reer Somaliland ee Sweden ayaa booqasho ku yimid jaamacadda Camuud ee magaaladan Boramawaxana ujeedada booqashadoodu ahayd sidii ay kulan wada tashiya ula yeelan lahaayeen.

Maamulka jaamacada Camuud fakir iyo aragtina uga qaadan lahaayeen maamulka jaamacadaasi oo la doonayo in Gabiley laga sameeyo Jaamacad ay yeelato.
 
Waxana Gudoomiyaha gobolka Gabiley si diiran ugu soo dhaweeyey Gobolka Awdal dhigiisa G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxaanay kulan balaadhan xafiiska gudoomiyaha jaamacada camuud ay ku wada yeesheen labada dhinac ay kaga wada hadleen sidii looga wada hadli lahaa jaamicad lagu wado in laga hirgaliyo Gobolka Gabiley.
 
Prof Saleebaan Axmed Guuleed Gudoomiyaha Jaamacada Camuud oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay inay aad iyo aad u soo dhawaynayaan Maamulkka Jaamacada Camuud in jaamicad laga hirgaliyo gobolka Gabiley waxuuna intaasi raaciyay in xarunta Jaamacada Camuud hada ku taalo ay ahayd secondary ugu horeeyey dalka Somaliland, wakhtigii gumaystaha Ingiriiska sanadkii 1952 kii maantana ay tahay Xarunta Jaamacada Camuud ee ugu horesay Jaamacad dalku uu yeesho.
 
Waxuuna sheegay in waayadii hore dadka reer Burco Laascaanood iyo Ceerigaabo ay ahaayeen kuwa kaliya ee  Secondary-yada wax ka baran jiray halka reer Hargeysaad ay jeclaayeen marka fasalka Todobaad ay dhamaystaanba uu ninku ka shaqay jiray uun Tukaan oo uu ka soo jeesan jiray, waxaanay Balaayo ku qabeen xaga Ganacsiga.
 
Saleebaan oo sii hadlayana waxuu yidhi “ Xaga dadka galbeedkuna waxa ku adkaydba inay Fee-da bixiyaan oo marka ay dhamaystaan fasalada Todobaad ayaad ku arkaysay iyaga oo buurahaasi fuulaya oo Fatanari ah xoolahana dawayntooda ka shaqayn jiray.
 
Jaamacada Camuud 1998 kii ardayda ka baxsan Borama kuwa ugu badan ee soo gala waxay ka iman jiraan Gabiley sidaa awgeed gobolka Gabiley wuu istaahilaa in jaamacad laga furo hiil iyo Hooba wan idinla garab taagan nahay.
 
Labada Gudoomiye ee gobolka Gabiley Axmed Aw Cabdi Xasan iyo Maxamuud Sh.C/laahi Cige waxay iyaguna ka mahad celiyeen soo dhawaynta iyo talada fiican ee gudoonka Jaamacada Camuud ay siiyeen iyo balanqaadyadaba, waxaanay cadeeyeen in labada gobol iyo labada jaamacadood ay mataano noqonayaan oo dhinac walba ay ka wada shaqayn doonaan maadaama ay dadkeedu yihiin xoolo dhaqato iyo beeralay isku dhaqan ah. 
  
  
 
Wariye:-
Abokor Hassan Affi

warka_awdal@yahoo.com