Hargiesa:.Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Salal oo ka tirsan gobollada cusub ee Somaliland.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin , oo maanta soo saaray wareegto ku salaysan qodobka 90-aad ee dastuurka Somaliland iyo qodobka 110-aad , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee Gobolka Salal uu u leeyahay dalka iyo dhismaha qaranba waxa uu u magacaabay Mudane Cawaale Ismaaciil Xasan in uu noqdo Gudoomiyaha gobolkaasi.
Madaxweynuhu isagoo isla markaana tix gelinaya xirfada , aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee Mudane Cawaale Ismaaciil waxa uu amray in sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilka loo igmaday.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL